Video: Fiqi oo soo bandhigay qodobo ‘shaki gelinaya’ cidda fulisay dilka weriye AFRIKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib geeridii Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo habeenkii Sabtidii weerar ismiidaamin ah lala beegsaday ayaa waxaa soo baxayay falcelin iyo shaki laga muujiyay qaabkii uu weerarkaasi u dhacay.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, horayna usoo noqday agaasimaha hay’adda NISA, Axmed Macallin Fiqi ayaa iftiimiyay xog badan, oo sida uu sheegay, uu ku saleeyay wareysiyo iyo hubin uu la yeeshay asxaabtii ugu dhoweyd ee marxuum Cabdicasiis Africa.

Fiqi ayaa sheegay in dilkiisa ay tuhmayaan in xafiiska madaxtooyada iyo in hay’adda NISA aysan ka marneyn, isaga oo intaas ku daray in todobaadyadii lasoo dhaafay uu la kulmayey hanjabaadyo isdaba joog ah.

Caasimada Online ma xaqiijin karto xogta uu bixiyey Axmed Macallin Fiqi. 

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in tuhunkiisa u uku sababeeyay dhowr arrimood, wuxuuna marka hore uu sheegay in Cabdicasiis Africa, oo ahaa agaasimihii Radio Muqdisho in goobta lagu dilay ay aheyd meel amaankeeda aad loo adkeeyay, dhinac walbana ay ka joogeen ciidamada madaxtooyada, Nabad-Sugida iy boolis.

Waxa uu sidoo kale sheegay in markii uu qaraxa dhacay aysan hay’addaha ammaanka qaadin tallaabo muujineysa baaritaan goobta laga sameeyay, sida caadada ahna goob walba oo qarax ka dhaca ay ciidamada booliska howlgal ka fuliyaan goobaha qaraxyada ka dhacaan, islamarkaama aysan jirin howlgal xilligaasi la sameeyay.

Arrinta labaad ayuu ku sheegay in gaarigii lagu qarxiyay uusan aheyn midkiisii gaarka ah, islamarkaana uu lahaa farsamayaqaan ka tirsan wasaaradda warfaafinta, gaarigaasina uu ahaa mid muraayadihiisa mugdi ahaayeen, loona baahan yahay in wasaaradda warfaafinta dhexdeeda ay baaritaan sameyso, iyo in goobta maqaayada oo ku sugnaa warbixin kasoo gudbisay qof ku sugnaa.

Fiqi ayaa carabaabay in qorshaha lagu dilay Wariye Afrika ay suuragal tahay in ay sal ku leedahay khilaafkii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee bishii hore, kaasoo gaaray in Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka laga mamnuuco wararka Madaxweyne Farmaajo in laga sii daayo.

Axmed Macallin Fiqi waxa uu xusay in arrintaani aan la dhayalsan oo ay u baahan tahay baaritaan aan aheyn midkiii Guddoomiye Yariisoow iyo Sarkaalad Ikraan Tahliil loona baahan yahay in laga sal gaaro xaqiiqda.

Axmed Macallin Fiqi ayaa fariin aan la dhayalsan karin u diray cid kasta oo ku raad laheyd khilaafkii madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo khilaafkii dhacay ay keentay in caga jugleyn iyo handadaad u keentay shaqaalaha Radio Muqdisho qaarkood, cid kastana inay muujiyaan feejignaan maadaama buu yiri Farmaajo uusan aheyn nin wax cafiyo, ciddii arrimahiisa gashana ay gacantiisa gaarto.

Hay’addaha caddaalada ayuu sheegay Fiqi inay noqdeen kuwo ay dad leeyihiin, isagoo tusaale usoo qaatay baaritaankii kiiskii Inj. Yariisoow iyo Ikraan Tahliil, wuxuuna la barbar dhigay kiiskaan iyo dhacdada lagu dilay Cabdicasiis Africa kiisaskii Yariisow iyo Ikraan.

Arrintan sida weyn loo hadal haayo ayaa ah in Farmaajo uu xarunta madaxtooyada ku qaabilay gabar calanka Soomaaliya xiratay oo Hargeysa lagu xiray oo uu madaxtooyada maamuus ugu sameeyay, xilna loogu magacaabay wasaaradda Warfaafinta, isagoona ka aamusay inuu ka tacsiyadeeyo ama ka hadlo agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay.

Fiqi wuxuu ugu danbeyntii qiray in argagixisada ay noqdeen in cid kasta oo dooneysa in qof ay ka aarsato loo adeegsado, wuxuuna Ra’iisul wasaare Rooble uu ka codsaday in baaritaankii Ikraan Tahliil iyo Inj. Yariiisoow mid ka duwan in lagu sameeyo kiiska Wariye Afrika.

W/D: Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online, London