28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Video: Gabadhii uu ninka Turkishka ku dharbaaxay magaalada Muqdisho oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Deva ee Turkida maamulaan ka dhacday dhacdo fool xun, kadib markii nin Turkish ah oo isbitaalkaasi ka howlgala uu xadgudub u geystay mid ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ka howlgala, isagoo dharbaaxay.

Arintan ayaa dhalisay muran iyo shaqo joojin shaqaalaha isbitaalka, waxaana dhacdadan ay ka bilaabatay, markii gabadhan oo ka mid aheyd kalkaalisayaasha isbitaalka ee bukaanka daaweeya ay fariin u dirtay ninka Turkish-ka ah oo hayay farmashiga isbitaalka si uu usoo dhiibo daawo looga baahnaa, hase ahaatee uu meesha ka maqnaa, dhowr fariin oo loo dirayna uu ka dhega adeegay, taasoo keentay in gabadha dacwo ka gudbiso.

Ninkani Turkish-ka ah ayaa ka carooday dacwada ay gabadha Soomaaliyeed ka gudbisay, isagoo careysana musqusha ugu galay, dharbaaxshana la dhacay iyo candhuuf, taasoo keentay buuq iyo muran ka dhashay in shaqaalaha isbitaalka mudo maalmo ah shaqo joojin sameeyeen.

Hase ahaatee, wada hadal dheer kadib iyo qancin wixii dhacay ah, la xaliyay murankaasi iyo xadgudubka loo geystay gabadha Soomaaliyeed.

Gabadhan ayaa hadaba sharxeysa qaabkii ay wax u dhaceen ee Halkan hoose ka daawo.

- Advertisement -

Read more

Local News