26.1 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Video sir ah: Maxaa maanta ka dhacay doodii murashaxiinta madaxweynaha?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa maanta lagu kala kacay qeybtii koowaad ee dooda loogu magac daray “Dood Furan”, taasoo ay ka qeybgalayeen 12 murashax oo u taagan xilka Madaxweyne, hase ahaatee la isku fahmi waayay qaabka tabinta dooda.

Guddiga doorashada ayaa ka hor-istaagay saxaafadda madaxa bannaan inay si toos ah u tabiyaan ama u duubtaan, iyagoo ku andacoonaya in qadka Internet-ka uu ka maqan yahay guud ahaan Muqdisho, waxaase loo ogolaaday Telefishinka Dowladda SNTV, taasoo keentay buuq lagu kala kacay.

Xubin ka tirsan guddiga doorashada ayaa lagu eedeeyay inuusan dhex dhexaad ka aheyn doorashada iyo dooda loo qabtay murashaxiiinta, isla markaana waxay ku eedeeyeen inuu u ololeynayay Murashax Xasan Sheekh.

Jen. C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa guddiga ayaa xalay lagu arkay xafladdii Xasan Sheekh u qabtay xildhibaanada, wuxuuna Xildhibaan Fartaag oo ka mid ah guddiga doorashada uu xaflada ka sheegay in aan loo baahneyn in la doorto murashax cusub oo sanad iyo labo sano ku qaadaneyso isbarasho, sidaasi darteedna aysan dooneyn dib u dhac, xildhibaanadana ugu baaqay inay doortaan Xasan Sheekh.

Qeybtii labaad ee dooda ayaa iyaduna murashaxiinta aysan ka qeyb gelin iyagoo war kasoo saaray, kuna eedeeyeen guddiga doorashada inaysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha socda.

- Advertisement -

Read more

Local News