Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in habeenimadii xalay aan halkaasi laga gam’in kadib shirar iska soo horjeeda oo halkaasi ka dhacay.
Shirarka iska soo horjeeda ayaa u dhexeeyay Madaxweyne Xassan iyo qaar kamid ah Hogaamiyayaasha Gobolada ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Shirarka Xassan iyo Hogaamiyayaasha ayaa waxaa diirada lagu saarayay sida loogu midoobi lahaa ololaha Xasan Sheekh, waxaana halkaasi ka socday ballanqaadyo loo sameynaayay Hogaamiyayaasha, sida aan kasoo xiganay mid kamid ah Mas’uuliyiinta shirka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa kulanka ugu wakhtiga badnaa Villa Somalia kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Camey oo isaga ka biya diidan In la taageero Xasan Sheekh iyo in Puntland ay tanaasul ka muujiso Sadbursiga ay ka muujineyso cadadka lasiiyay Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka Madasha Wadatashiga uga faa’iideysanaaya ololihiisa gaarka ah, waxa uuna Ujeedka shirka ahaa mid Xasan Sheekh uu ku kulminaayay Hogaamiyayaasha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com