27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Villa Somalia oo baareysa tacadiyo la sheegay in ka dhaceen DAYNIILE (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday warar ku saabsan tacadiyo ka dhan xuquuqda bini-aadamka oo lagu eedeeyey inay geysanayaan maleeshiyaad daacad u ah guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay baareyso dhibaatootinka halkaas laga soo wariyey.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in guddi ka kooban agaasimyaal iyo mas’uuliyiin amni uu madaxweynaha faray in ay soo baaraan tacadiga la sheegay in loo geestay muwaadiniin ku nool degmadaasi.

Guddigaan oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa sidoo kale kaashan doono mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa lagu eedeeyay in Xabsi lagu magacaabo Cusboole oo ku yaala gudaha degamdaasi uu dad badan ku marsiiyay ciqaab adag, islamarkaana ay hadda ku jiraan dad qoraallo soo dhigay akoonada ay ku leeyihiin Facebook.

Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay tabinayay warar sheegaya in tacadi xoog leh uu ka jiro degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada ee lagu eedeeyay dhibaatooyinkaas marna kama hadlin eedeha loo jeediyay, inkastoo dad ku dhow ama taageera ay baraha bulshada ka difaaceen.

- Advertisement -

Read more

Local News