Muqdisho : (Caasimadda Online ): Markii xil loo magacaabo qof Soomaali ah waxaa durba ku arkeysa baraha bulshadda (Social Media) maggaca masuulka xil loo magacaabay oo dhowr ciwaan lagu sameystay kuwaas oo qaarkood ay yihiin koontooyin gaar ah qaarna ay yihiin Boggag lacag lagu xiro si dad badan ay ugu soo biiraan.
Dadka sidaas sameeya waa labo nuuc, qolo u baahan Page ay dad badan ku xiran yihiin oo durba lagu soo biiro si ay bari dano kale ugu qabsadaan iyagoo ka badalaya magaca hadii ay u baahdaan iyo kuwa doonaya iney sharafka qofka masuulka ah ku xad gudbaan oo ay kusoo bandhigaan hadalo been abuur ah iyo waxyaabo aan laga fileynin qofkaas.
Qofkii ugu dambeeyay ee sidaas lagu sameeyo waxaa uu noqday agaasimaha cusub ee Villa Somali Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo la abuurtay 10 facebook oo magaciisa ah iyo 5 Twitter oo magaciis ah , Ciwaanadan been abuurka ah ayaa lagu qoray hadalo been abuur ah oo laga dhigaayo inuu Fahad yiri.
Caasimadda Online ayaa la xiriirtay Villa Somalia si ay wax uga weydiiso qoraaladda lagu daabacay baraha bulshada ee loo isticmaalay maggaca agaasime Fahad waxaana ay Villa Somalia xaqiijisay iney ciwaanadaas yihiin kuwo been abuur ah.
“Wax ka jira maleh ciwaanada Facebook-ga iyo kuwa Twitter-ka ee lagu sheegay inuu lee yahay oo uu wax ku qoray agaasime Fahad, waxaan xaqiijin karnaa inuusan Fahad Yaasiin isticmaalin Facebook iyo Twitter intaba ayey tiri Villa Somalia.
Madaxtooyada ayaa uga digtay warbaahinta madaxbanaan ineysan ku qaldamin oo aysan xigan ciwaanadaas been abuurka ah ee lagu isticmaalaayo maggaca Fahad Yasin.
Hoos ka arag ciwaanadda Facebook iyo Twitter-ka ee lagu sameystay maggaca Fahad Yasin