25.1 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Villa Somalia oo xeeladeysi cajiib ah sameysay kadib safarka Xasan ee Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka xeeladeysatay in Axmed Madoobe ay si toos ah u xusto, xilli uu maanta magaalada Kismaayo ka degay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Villa Somalia ayaa qoraal ay kasoo saartay safarka Madaxweynaha ku tiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland.”

Villada ayaa sheegtay inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo, Madaxweynaha uu sii wadi doonaa wadatashiyada ku aadan geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka. Marnaba ma xusin in Madaxweynaha Jubbaland uu kulamo la bilaabayo.

“Safarka Madaxweynaha wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jiraan adkeynta midnimada dalka, kor u qaadidda isfahamka iyo mideynta aragtiyada ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Tan ayaa muujinaysa sida ay weli u kala fogyihiin dhinacyadu, inkastoo lagu cadaadinayo inay soo afjaraan khilaafkooda siyaasadeed, haddana Villa Somalia ayaa ka xeeladeysaneysa inay Madaxweyne ugu yeerto ninkii ay shalay diiday sharciyadiisa, illaa inta Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe gaarayaan isfaham rasmi ah.

Villa Somalia ayaa sidoo kale horey uga baaqsatay inay soo saarto warqad ku saabsan mowqifkeeda muddada xil-haynta Axmed Madoobe, taas oo si weyn u daneynayay hoggaanka Jubbaland ka hor wada-hadallada Kismaayo.

Jubaland waxay hore u dalbatay in wada-hadalada Kismaayo ka dhacaya aysan ku jirin dood ku saabsan sharciyadda doorashadii uu Axmed Madoobe kusoo baxay. Qodobkan ayaa u muuqda mid weli Xasan uu ku lulayo Madoobe, si uu tanaasul u sameeyo, loona gaaro isfaham rasmi ah.

Safarka Kismaayo ayaa imanaya xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka.

Sidoo kale waxay dhinacyadan isla gaareen in sida ugu dhaqsaha badan shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

“Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta qarannimada, xasilloonida iyo wadajirka dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland.

Bayaankaas ayaa lagu xusay in shirka Nairobi uu ahaa mid lagu dhisayay kalsooni siyaasadeed, isla markaana lagu xoojinayay dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya hesho “mustaqbal wanaagsan oo horseeda xasillooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.”

Si kastaba, Madaxweynaha SoomaaliyaHoray ayaa dhawaan inuu dhab ka yahay soo afjarista khilaafka Jubbaland iyo Puntland, isla markaana uu wada-hadallo kula jiro labada maamullada, isagoo markaas sheegay inuu ku rajo wayn yahay in heshiis la gaaro ka hor doorashada 2026-ka.

- Advertisement -

Read more

Local News