27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Villa Soomaaliya oo ballan qaad u sameysay Cumar Filish

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya, Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Filish).

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray howlaha horumarineed ee gobolka ka socda iyo kuwa horyaalla, iyada oo xoogga la saaray dardargelinta amniga, arrimaha bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud.

Agaasime Fuursade ayaa u ballan qaaday guddoomiye Filish in Villa Soomaaliya ay gacan muuqata ka geysaneyso dhammaan dedaallada lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah ee Bulshada.

“Gobolka Banaadir waxaa ku yaal Caasimadii Ummadda Soomaaliyeed, waana muhiim in dhammaanteen aan iska kaashanno soo celinta heybaddii ay Muqdisho ku laheyd Caasimadaha Dunida”. ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada Qaranka.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo talooyinka agaasinka madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in maamul iyo shacaba ay xoogga saarayaan sidii loo heli lahaa Caasimad qurxoon oo amni ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News