Waa ayo Antifa? – Kooxda ka dhisan Mareykanka ee Trump uu ku daray liiska argagixisada?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa saxiixay xeer madaxweyne oo dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda faashiyadda ee Antifa u aqoonsanaya “urur argagixiso” oo gudaha ah, tallaabadaas oo qayb ka ah hawlgal adag oo uu sheegay in lagaga hortagayo rabshadaha siyaasadeed ee ay abaabulaan garabka bidix.

Halkan hoose waxaa ku xusan macluumaad ku saabsan dhaqdhaqaaqan, iyo sababta ay ugu adkaan karto maamulka Trump inuu si buuxda u fuliyo tallaabada adag ee uu ku hanjabay.

Trump wuxuu ballanqaaday inuu tallaabo ka qaadi doono kooxaha garabka bidix ee uu ku eedeeyay inay hurinayaan rabshado, kaddib dilkii loo geystay dhaq-dhaqaaqaha muxaafidka ah ee Charlie Kirk horaantii bishan.

Ma jirto caddeyn guud oo la hayo oo Antifa ku xiraysa dilka Kirk. Saraakiishu waxay sheegeen in aan weli la aqoon sababta ka dambaysay toogashada, eedeysanaha oo lagu magacaabo Tyler Robinson-na aanu la shaqaynayn baarayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu Antifa ku tilmaamay “masiibo xanuun badan, khatar ah, oo ah xag-jirka bidix,” wuxuuna ku gooddiyay inuu beegsan doono ilaha dhaqaale ee ay ka helaan.

Waa maxay Antifa?

Antifa (oo loo soo gaabiyo “anti-fascist”) ma aha koox siyaasadeed oo habaysan sida caadiga ah. Waa dhaqdhaqaaq aan lahayn nidaam dhexe, hoggaan sare oo isku xiran, iyo hoggaamiye cad toona, sida lagu sheegay warbixin ay sannadkii 2020 soo saartay Hay’adda Cilmi-baarista ee Kongareeska.

Qaar ka mid ah khubarada ku takhasusay xagjirnimada siyaasadeed, oo uu ku jiro agaasimihii hore ee FBI-da Christopher Wray, ayaa ku dooday in Antifa si fiican loogu arko aragti ka soo horjeedda faashiyadda iyo sarreynta caddaanka, intii loo arki lahaa urur isku duuban. Sidaas darteedna, waxay xaq u yeelanaysaa difaaca xorriyadda hadalka ee ku xusan Dastuurka Wax-ka-beddelkiisa Koowaad ee Mareykanka.

Halkee bay ka soo jeedaa Antifa?

Asalka antifa wuxuu ku arooraa dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday faashiyadda ee ka dhashay Yurub horraantii qarnigii 20-aad. Wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay gudaha Mareykanka kaddib doorashadii Trump ee sannadkii 2016.

Dhaqdhaqaaqu wuxuu u shaqeeyaa sidii ururo maxalli ah oo aan si adag isugu xirnayn, mid walbana uu ka madax bannaan yahay kan kale, laakiin waxaa laga yaabaa inay wadaagaan qorshayaasha, xeeladaha, iyo agabyada, ha ahaato iyagoo is-arkaya ama adeegsanaya barnaamijyada farriimaha sirta ah (encrypted).

Dhaq-dhaqaaqayaasha Antifa waxay isugu yimaadaan “unugyo saaxiibtinimo” (affinity groups), kuwaas oo ah kooxo aan rasmi ahayn oo ka kooban saddex ilaa siddeed qof oo is aamina isla markaana is-difaaca inta ay dibadbaxyadu socdaan, sida ay sheegeen warbixinno ay diyaarisay wakaaladda Reuters iyo Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah (Center for Strategic and International Studies) sannadkii 2020.

Sidee buu u hawlgalaa dhaqdhaqaaqa?

Taageerayaasha Antifa waxay aaminsan yihiin “tallaabo toos ah,” taas oo noqon karta dibadbaxyo waddooyinka ah ama xadka u gudbi karta falal rabshado wata, sida gubista baabuurta booliska ama jebinta daaqadaha. Dhaqdhaqaaqayaashu waxay inta badan xirtaan dhar madow oo wejiga ayay qarsadaan, sida lagu sheegay warbixinta CSIS.

Dhinaca internet-ka, waxaa laga yaabaa inay dabagalaan kooxaha garabka midig ama ay internet-ka ku faafiyaan xogtooda khaaska ah (doxing) shakhsiyaadka ay u arkaan inay yihiin xagjiriinta midigta.

Antifa ma lala xiriiriyay rabshado?

Sida ay sheegeen hay’adaha sharci-fulinta Mareykanka, waligeed ma dhicin dhacdo argagixiso oo gudaha Mareykanka ah oo lala xiriiriyay Antifa. Trump wuxuu markii ugu horreysay isku dayay inuu dhaqdhaqaaqan u aqoonsado urur argagixiso oo gudaha ah xilligii dibadbaxyadii George Floyd ee 2020.

Dhacdadii ugu caansanayd ee dhaqdhaqaaqan lala xiriiriyay waxay ka dhacday magaalada Portland, ee gobolka Oregon, bishii Agoosto 2020, markaas oo Michael Reinoehl, oo isku sheegay inuu taageere u yahay Antifa, uu toogasho ku dilay Aaron โ€œJayโ€ Danielson, oo xubin ka ahaa kooxda midigta-fog ee Patriot Prayer.

Reinoehl waxaa markii dambe dilay ciidamada federaalka iyo kuwa maxalliga ah xilli la isku dayayay in la soo xiro.

Dhawaanahan, xeerbeegti ka tirsan San Diego ayaa laba nin ku xukuntay shirqool rabshado lagu kicinayo horraantii sanadkan, kiiskaas oo salkiisu ahaa dibadbaxyo ka dhacay waddooyinka sannadkii 2021. Dacwad-oogayaashu waxay raggan ku tilmaameen xubno ka tirsan Antifa.

Amarka Trump ma yahay mid sharci ah?

Dawladda Mareykanku hadda si rasmi ah uguma aqoonsato kooxaha gudaha oo keliya inay yihiin ururo argagixiso, arrintaas oo inta badan salka ku haysa dammaanadaha dastuuriga ah.

Laakiin sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegay in amarka Trump uu horseedi doono awoodo baaxad leh oo baaritaan iyo dabagal ah.

Ilo-wareed Aqalka Cad ah oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dawladdu ay diiradda saarayso lacagaha shisheeye ee lagu maalgelinayo siyaasadda Mareykanka iyo in la helo xiriirka ka dhexeeya akoonnada bankiyada dibadda.

Khubarada sharciga ayaa sheegay in u aqoonsiga argagixiso gudaha ah ay noqon karto mid shaki laga qabo xagga sharciga iyo dastuurka, ayna adag tahay in la fuliyo, isla markaana ay kicin karto walaac ku saabsan xorriyadda hadalka, maadaama sharciga Mareykanka uusan guud ahaan u arkin dembi in qofku uu aaminsanaado aragti gaar ah.

- Advertisement -

Read more

Local News