28.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Waa kuma Cumar Fataax? – Soomaaliga hurdada u diiday cunsuriyiinta Mareykanka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Musharaxa xilka duqa magaalada Minneapolis ahna Senatar ka tirsan gobolka Minnesota, Omar Fateh, ayaa si adag uga jawaabay eedaymo is-daba-joog ah oo uga imaanaya dhinacyada garabka midig, kuwaas oo la xiriira xaaladdiisa sharciyeed iyo haybtiisa Muslimnimo.

Fateh, oo ku dhashay magaalada Washington, D.C., aabihiis iyo hooyadiisna ay yihiin soogalooti Soomaali ah, ayaa u tartamaya doorashada duqa magaalada ee sanadka 2025. In kasta oo dadka dhaliila ay cambaareeyeen qadiyadihiisa dhanka bidix u janjeera, sida xayiraadda kororka kirada guryaha iyo kordhinta mushaharka ugu yar, ayaa qaar ka mid ah faallooyinku waxay isku beddeleen weerarro online ah oo ku saabsan muuqaalkiisa, diintiisa iyo dhalashadiisa.

Fateh ayaa Isniintii, Luulyo 14, fiidkii ka hadlay faallooyinka nacaybka xambaarsan ee lagu baahiyey barta X, isagoo ka jawaabayay qoraal Islaam-nacayb ah oo uu soo dhigay dhaqdhaqaaqaha siyaasadeed ee muxaafidka ah ahna aasaasaha ururka Turning Point USA, Charlie Kirk.

Fateh wuxuu u jawaabay qoraalkii Kirk, isagoo yiri: “Minneapolis waa magaalo qurux badan oo leh dad kala duwan, kuna adag qiyamkeenna horumarka leh. Nacaybka aan maanta arkay – iyo maalmahan intooda badan – ma aha mid aan marnaba noqon doonno.”

Waa kuma Omar Fateh?

Omar Fateh, oo 35 jir ah, waa siyaasi ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo hadda ku jira xilligiisii labaad ee uu yahay senatarka gobolka ee degmada 62-aad ee Minnesota, isagoo sidoo kalena u tartamaya xilka duqa magaalada Minneapolis.

Wuxuu ku dhashay Washington, D.C., Fateh wuxuu sheegay inuu yahay wiil ay dhaleen waalidiin soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya, isla markaana uu dhowaan noqon doono aabbe.

Wuxuu shahaadada Master-ka (heerka labaad ee jaamacadda) ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason University ee gobolka Virginia, wuxuuna u soo noqday khabiir arrimaha bulshada ee Minneapolis, isku-duwaha mashaariicda ee Wasaaradda Gaadiidka gobolka, iyo falanqeeye ganacsi oo ka tirsanaa Jaamacadda Minnesota.

Markii loo doortay senatarka gobolka sanadkii 2020, Fateh wuxuu noqday Muslimkii ugu horreeyay iyo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Mareykan ah ee ku biira Aqalka Sare ee Minnesota. Wuxuu horey olale aan guuleysan ugu galay kursiga aqalka sare sanadkii 2018, isagoo doorashadii is-reereebka ee xisbiga Dimoqraadiga looga guuleystay, waxaana ka adkaatay wakiilkii hore ee gobolka Hodan Hassan.

Maxay yihiin ballan-qaadyadiisa?

Tartankiisa duqa magaalada, Fateh wuxuu isku aqoonsanayaa inuu yahay hanta-wadaag dimoqraadi ah (democratic socialist) kaasoo, ballanqaadyadiisa siyaasadeed ay ka mid yihiin, inuu hagaajin doono difaaca darawallada shirkadaha gaadiidka dadweynaha ee Uber iyo Lyft, la dagaallami doono tacaddiyada booliska, iyo inuu kordhin doono guryaha la awoodi karo kiradooda.

Wuxuu ballanqaaday inuu mushaarka ugu yar ee magaalada ka dhigi doono $20 saacaddii marka la gaaro 2028, kaasoo hadda ah $15.97. Mushaarka ugu yar ee gobolka Minnesota ayaa hadda ah $11.13.

Sidoo kale, wuxuu ballanqaaday inuu si adag uga hor istaagi doono maamulka madaxweynaha hadda talada haya ee Donald Trump, taasoo ay ka mid tahay inaan loo oggolaan doonin booliska magaalada inay la shaqeeyaan Hay’adda Socdaalka iyo La-dagaallanka Muhaajiriinta Mareykanka (U.S. Immigration and Customs Enforcement – ICE).

“Haddii ay tahay howlgal socdaal iyo haddii kaleba, dadkeennu waxay mudan yihiin duq magaalo oo ka hor istaaga Donald Trump oo yiraahda, ‘maya, taas kama dhacayso bulshadeenna dhexdeeda.'”

Kadib Zohran Mamdani

Ururka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee TakeAction Minnesota ayaa cambaareeyay faallooyinka lala beegsaday dhalashada iyo haybta Muslimnimo ee Fateh.

“Islaam-nacaybku meel kuma laha siyaasadda iyo bulshadeenna dhexdeeda,” ayuu ururku ku qoray barta X. “Senatar Fateh wuu ku saxsan yahay – nacaybkani ma aha mid aan marnaba noqon doonno. Waxaan u abaabulannahay inaan dooranno hoggaamiyeyaal la mid ah Senatar Fateh, sababtoo ah waxaan wadaagnaa aragti ah bulshooyin ku dhisan daryeel iyo jacayl – ee aan ku dhisnayn nacayb.”

Weerarradan online-ka ah ayaa yimid ka dib markii xubin ka tirsan aqalka wakiillada ee gobolka New York, Zohran Mamdani, oo 33 jir ah, uu la kulmay faallooyin nacayb ah oo la mid ah oo ku saabsan haybtiisa Muslimnimo intii lagu jiray ololihiisii doorashada duqa magaalada New York City.

Siyaasigan hanta-wadaaga dimoqraadiga ah ayaa soo jiitay indhaha dalka oo dhan ka dib markii uu si aqlabiyad ah ugu guuleystay doorashadii is-reereebka xisbiga Dimoqraadiga, isagoo guul lama filaan ah oo cajiib ah ka gaaray guddoomiyihii hore ee gobolka Andrew Cuomo.

Haddii uu ku guuleysto doorashada guud ee bisha Nofeembar, wuxuu noqon doonaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo kii ugu horreeyay ee Aasiyaan-Mareykan ah ee magaaladaasi yeelato. Andrew Cuomo ayaa sheegay inuu si madax-banaan (Independent) u tartami doono November, inkasta oo lagu reebay is-reebreebka Dimoqraadiga.

- Advertisement -

Read more

Local News