Waa kuma Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (Ogaaw shaqsiyadiisa)

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loo magacaabay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo ah khabiir dhinaca isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ah.

TAARIIKHDA MAAREEYAHA CUSUB EE MAGACAABAN 

Mudane Cabdi Sheekh waa khabiir aqoon iyo waayo-aragnimo dheer u leh arrimaha la xiriira isgaarsiinta, teknoolojiyada iyo maamulka. Wuxuu muddo ka badan 23 sano la shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu waaweyn dalka Mareykanka oo la yiraahdo Verizon Communications, halkaasoo oo uu ka soo qabtay xilalka kala duwan oo heer maamul sare ah.

Laga soo billaabo Nofeember 2012-kii – kolkaasoo uu dalka ku soo laabtay – wuxuu la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha, isagoo la soo shaqeeyay ra’iisul wasaareyaal kala duwan. Intuu uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka shaqeynayay laga soo billaabo 2013-kii wuxuu dareemay baahida loo qabo in la aasaaso waax qaabilsan dhisidda awoodda hay’adaha dawladda (capacity development), taas oo uu Ra’iisul wasaare Saacid ku magacaabay wareegto. Si arrintaas loo fuliyo wuxuu kala shaqeeyay Bankiga Adduunka iyo UNDP sidii loo sameyn lahaa mashruuc ballaaran oo lagu horumarinayo awoodda hay’adaha dawladda (Capacity Injection Program), kaas oo haatan hirgalay, ayna ku kacayso $53 milyan oo doolar.

Laga soo billaabo bishii Abriil 2017, wuxuu ka shaqeynayay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, isagoo gacan weyn ka geystay ansixintii Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha awoodda Wasaaradda iyo xiriirka ay Wasaaraddu la leedahay dalalka iyo hay’adaha horumarinta ka shaqeeya oo ay ka mid tahay Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), wuxuuna ka shaqeeyay in xiriirkii Wasaaradda ee heer caalami uu sare u kaco.

Dhinaca aqoonta, Mudane Cabdi Sheekh wuxuu shahaadada koowaad ku qaatay cilmiga kumbutarka ee jaamacadda Houston, isagoo shahaadada heerka labaad ee Master of Science (specialization in Information Systems) iyo Maamulka Hawlaha (MBA) uu ka kala qaatay ee jaamacadaha Denver iyo North Carolina oo dhammaantood ku yaalla dalka Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com