Waa kuwee 9-ka dal ee Maraykanka ku raacay arrinka Qudus

Mooshinkii qaramada midoobay ee lagu diidayey arinka qudus. Waxaa maraykanka lasaftay 9dal, 128 waa ku diideen, 35 dalna waa ka aamuseen.

Guatemala, Honduras, Palau, Marshal Islands, Micronesia, Nauru, Togo, USA iyo Israel. Afar kamid ah waa jasiirado dhaca badda pacific-ka.  Dadka ku noola waa in ka yar 200,000 oo qof, Saddex ka mid ahna waxay heshhisyo dhanka maamulka ah kula jiraan maraykanka.

1 jasiirada Marshal Waxaa ku nool 53,000, laga soo bilaabo 1986 ayuu fasaxay wuxxuna kula jiraa heshiis dhanka maamulka ah, difaaceeda iyo amaankeeda USA baa masuul ka ah.

2. Jasiirada Palau waxay ku Taal badda pacific-ka; waxaana ku nool dad gaadhaya 21,400 oo qof. Jasiiradan waxay maraykanka madaxbanaani ka heshay 1994 lkn weli wuxuu masuul ka yahay difaaceeda mudo 50 sano ah siada uu dhigayo CIA’S World Factbook.

3. Jasiirada Micronesia micnaheedu waa jasiiradii yarayd ee Greakii hore, waxaa degan 104,000 oo qof. Laga soo bilaabo 1986 waxay hoos imaanaysay USA ka dib heshiiskii “Free association agreement”. Heshiiskan oo u ogolaanay dadka reer Micronesia inay u safri karaan kuna noolaan karaan USA visa la’aan; isla markaana ka mid noqon karaan militariga maraykanka.

4. Jasiirada Nauru ma hoos timaado USA, jasiirdan 21kmsq ah kuna taala badda pacific-ka, waxay hooy u tahay in ka yar 10,000 oo qof.

Sidoo kale Honduras iyo guatamela waxay dhul ahaan dhacaan bartamaha qaarada amerika, xidhiidh diblimaasiyadeed iyo mid militariga ah bay la leeyihiin USA oo ka soo jiray tobonaan sano, taariikh ahaana weligood halka codka USA maro baau u codeyn jireen.

Togo ayaa iyana noqotay dalka keli ah ee afrika oo maraykanka ku raacay arinka qudus, halka dalal waa wayn sida ithopia, Uganda iyo Cameroon ka aamuseen; dalal kale side Somalia, Djibouti iyo masar si cad u cambaareeyen. Israel iyo maraykan oo mososhinka rabitaaankoda lagu diidayey ayaa iyaguna codkooda diidmo ku muujiyey. Dalalka balkanka ee muslimiintu ku badanyihiin sida Bosnia ayaa iyagu ka aamusay taaso ururka iskaashiga islaamka la yaab ku noqotay,

W/Q: Abdisamad ALI Ahmed
daldoonali@gmail.com