27 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

Waa maxay mowqifka Faarax C/Qaadir ee khilaafka madaxda DF iyo qorshaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudadii ugu dambeysay ayaa waxaa soo ifbaxaayay Khilaaf u dhaxeeyo labada Mas’uul ee ugu sareyso Hogaanka dalka Somalia ee Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli Sheekh..

Faarax Sheikh C/qaadir oo garab ka helayao dowlada Ethiopia iyo Madaxweynaha ayaa qaba inuu kusii nagaado xubinimada golaha wasiirada DF Somalia, taasi oo ah xudunta khilaafka.

Khilaafka hada ka dhex taagan Madaxweyne Xasan iyo R/W C/Weli Sheikh ayaa waxaa sababay iskushandheyn lagu sameeyey Golaha Wasiirada,oo Faarax uu ku waayay wasaaraddii dastuurka, iyadoo uu Madaxweynaha uu kasoo horjeeestay arrintaas, taasi oo qarxisay khilaafka.

Faarax ayaa la sheegayaa inuu horjooge u yahay mooshinka ka dhanka ah R/W C/Weli, uuna yahay ninka ku adkeysanaya inaan wax wada-hadal ah lala gelin Cabdi Weli ee xilka laga qaado.

Mowqifka Wasiir Faarax ayaa ah in Dam-Jadiid ay kusii raagan talada dalka, islamarkaana uu maskax u noqdo hogaaminta Dowladda, inkastoo iminka arrintaasi ay mugdi ku jirto.

Sababta Faarax ugu dheggan yahay wasaaradda dastuurka ayaa la sheegayaa inay tahay in la doonayo is-beddel dastuuri oo xukunka ay ku qabsadaan kooxdiisa 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News