26.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Waa muhiim in reer Galmudug ay aqriyaan fariintan muhiimka ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baaq iyo talooyinka ku socda Madxweynaha, Baarlamanka iyo waxgaradka Galmudug.

Iyadoo uu weli uu taaganyay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Baarlamaanka Galmudug, islamarkaana aanay hadda ii muuqan cid ku hawllan xallinta khilaafkaas, ayaa talooyinkaan iyo baaqaan waxaan u soo jeedinayaa dhinacayada ishaya iyo dhammaan waxgarada reer Gamudug

Marka hore waa wax aad looga xumaado maamulkii curdanka ahaa madaxdisi in arrintaan ku ay kacaan, waxayn dhabarjab iyo xadgudub ku tahay shacabkii ammaanadaas u dhiibtay iyo himaladoodi ahayd in maamulku noqdo mid guulaysta, waxaana moodda in aan weli wax laga baran wixii laga dhaxlay jahawareerkii iyo is-qab-qabsigii 25 sano la soo dhaafay.

Cilladda ugu weyn ee maamulkaas haysata waxaan qabaa in ay tahay mid la xariirta dhismihiisi hore, iyadoo si darfagoysa wax loo dhoo-dhoobay, ujeeddooyin kala duwan laga lahaa. Tusaale waxaa kaaga filan, Sunna Waljamaca oo deegaanka awood aan la dhalsan karin ku leh in laga tashaday, anigo qaba in ay suurtagal ahayd in lagu soo biiriyo maamulka haddii si daacdnimo ah loo waji lahaa.

Haddii hay’adaha dastuuriga khilaas dhexmaro, Maxkamadda Dastuuriga ayaa awood u leh in arrintaas xalliso. Nasiib darradu waxay tahay, in Maxamaddii Dastuuriga aan la isku xilsarin magacaabiddeeda illaa xitaa heer federaalka la sheego, waxayna u muuqataa in madaxda sare aanayba doonayn in la hirgaliyo arrintaas sababa jra awgood.

Sideedaba khilaafka madaxda Soomaaida kuma saleysna danta dalka iyo dadka balse waa mid la xariira dana gaara iyo jowrfar axagga sharciga.

Aan ku hormaro arrinta Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

  1. Mudane, anigoo xushmad iyo qaddarin weyn kuu haya, ujeeddada ugu weyn ee laguu doortay waxay ahayd midaynta dadka iyo deegaanka gobolladaas, nabad ku soo daabaalidda, horumarinta adeegyada bulshada in aad maamulkaas ku hoggaamiso. Inkastoo waqtigii yaraa, haddana arrimahaas waxaa looga mashquulay doorashadii dadbanayd, doorashadaaso dhibaatooyin badan iyo aamin darro soo kordhisay, si gaaran adiga Madaxweyne ahaan wax lagaaga tirinayo, iyadoo dad badani ay qabaan ujeeddada markii horaba Cabdikarim meesha u yimid in ay ahayd doorashadaas.
  2. Mudane Madaxweyne nin miisaan qaran leh ayaa tahay oo waxaa laguugu tirinayaa in aad meel sare kaga jirto raggii soo saaray Xasan Sheikh Maxamuud, isla markaana xilalkii ugu muhimsana aad ka soo qabtay dawladdaan.
  3. Markii aad iska casishay xilkii Wasaaradda Amniga kal hore, magac iyo sharaf weyn ayaad ku kasbatay arrintaas, waayo waa dhaqan caalamiya oo Soomaalida ka maqan in sidaaso kale la yeelo mararka qaarkood.

Arrinta Baarlamaanka

  1. Haddii aad tihiin baarlamaanka, waxa aad matalaysaan shacabka Galmudag oo aad u dhaarateen danahiisa iyo in aad dhowraysaan dastuurka, xeerarka iyo danta shacabka Galmudug.
  2. Cabdikariim Xuseen Guuleed shalay adinkaa ayaa u doortay xilkaas, waxayna u muuqataa in aad ku qanacsanaydeen in xilkaas ka soo dhalaali karo oo cidi idinkuma qasbin.
  3. Madaweynuhu waa bani aadam dhaliil waa yeelan karaa, dastuurkuna waa idiin oggolyahay in madaxweynaha xilka laga qaado, hasayeeshe wax waliba nidaam iyo habab loo soo maro ayay leeyihiin, sidoo kale waxaa jira duruufo iyo waxyaabo la tixgaliyo.

Tusaale waxa idiin ka filan foolxumadi iyo qaskii Baarlamaanka Soomaaliya marwalaba ka dhici jiray oo “muushin iyo fawdo joogta” ka bixi waayay, illaa markii dambe iyagoo meeshoodi dhooban laga kaaftoomay oo wax la yiraahdo (“Madal) oo aan Dasatuurka raad ku lahayn lagu dul samaystay.

  1. Sidoo kale marka wax la qabanayo waa la miisaama duruufaha arrintaas ku hareeraysan, sida faai’idooyinka iyo cawaaqibyada ay yeelan karto, iyadoo wax waliba lagu dhaqaaqo marka ay ku habboontahay.
  2. Dhaliilaha Baarlamaanka waxaa ka mida in Baarlamaankii oo uu ka jiro muran ku saabsan in uu si sharciga waafaqsan u furanyahay iyo in kale ay go’aanka xilqaadista Madaxweynaha soo saareen. Sidoo kale Madaxweynaha haddii lala xisabtamayo waxay ahayd in uu goob joog ahaado si uu isku diffaaca

Sida dastuurku iyo xeer hoosaadku qabana waa ogtihiin in uu jiro habab barlamaanka lagu furo laguna maamulo.

Waxa la sheegayaa in olalaha xil-ka-qaadista ay horboodayaan xubno waayay ka mid noqoshada baarlamaanka iyo qaar kale oo jagada Madaxweynamada u xusul duubaya.

Waxaan leeyahay calaf waa intii calool gasha. Si kastaba ha u dhacdee, mar haddii hawshii la gabagabeeyay oo aanay jirin meel kale oo wax laga saxo, waxaa ila habboon in candhuufta dib loo laqo oo la is xakameeyo, iyadoo aanay nagu cusbayn in weligeedba Soomaaliya aanay ka dhicin doorasho ama xulasho muran la’aana. Kuwa u hanqal taagaya darajada la isku haaysto, waxaan leeyahay reer nabada looma talin waayee ee aashhiina timarti horaba dab loo waaye.

XALKA IYO TALADAYDA

Sida sheekadu ku socoto waa burburka Maamulkii curdanka aha, waxayna wax ka burburayaan shacabkii maamulkaas dhista, marka iyaga ayaa xil ka saaranyahay in ay badbaadsadaan waxa ay dhisteen. Waxaana hubanti ah in aanay jiri doonin cid kale oo u soo gurmata, in looga sii darana u badi.

Waxaan iyaduna wax soo kordhinay in labada dhinac lala kala safto.

Waxaan leeyahay waxgaradkii wax dhisay ee ugaasyada, salaadiita , cuqaasha, culumaau’di inka aqoonyahanka, saraakiisha, dhallinyarada iyo gabdhihii sharafta lahaa shir ha isugu yimaado “Shir Badbaado).

Shirka nuxurkiisu wuxuu noqonaya in arrinta taladeeda dadkii xaqa u lahaa loo celiyo mar haddii dadkii xilalka lagu aaminay is hayaan.

Shirka waa in ay qaban qaabisaa Beesha reer Xaaji Saleebaan, oo anigu qof ahaan aan u hayo ammaan iyo bogaadin sida ay deegaanka u nabadeeyeen iyo sida ay u mitideen dhismaha Dawlad Goboleedka Galmudug, iyado waliba nasiib u yeeshay in xaruntoodi weli lagu sii shaqeeyo. Waxaan leeyahay walaalahay beesha Talo Ku Nool ee reer Cadaado, waa khasaare wayn in waxaa aad ku soo tiir tacab beesheen dushiina lagu burburiyo, waana in aad iska illowdaan madmadowga doorashadii laga dhaxalay, adinkoo soo ceshanayaa uruursanaantii iyo daacdanimadii aad ku caana maasheen.

Shirka waxaan qabaa in lagu saleeyo laba arrimood:

  1. Danta iyo masiirka Galmudug halka ay ku jirto
  2. Dhinac sharciga.
  3. Wixii lagu heshiiyo oo noqda wax la fulin karo

Shirku sidoo kale wuxuu talo iyo farsamo weydiisanaya cidkasta oo ay u arkaan in si daacadnimo wax ku biiri karaan.

Qurba joogta iyo jaaliyadaha oo kaalin weyn ku lahaa dhismaha maamulka waa in kaalimihi looga bartay ka qaataan.

Kharashka Shirka ku baxaya waa in laga codsadaa ganacsatada gacanta furan ee samafalayaasha ah.

Digniin

Waxaan ka digayaa khilaafka jira oo aan la xallin in doorasho cusub lagu dhaqaaqoo, waxa ka imaan karaan cid waliba waa ogtahay oo ah: laba madaxweyne, laba caasimood, laba garab, fashilaad iyo guuldarro dhan waliba.

Qormadayda waxaan ku soo gunaanadayaa tixdaan gaaban ee Dardaaran iyo Digniin.

 

Maansadaydu waa dawan

Waa dabuub ujeedda leh

Waa dardaaran waayeel

Waxay baaq u diraysaa

Dadweynaha Galmudug iyo

Ragga duubka loo xiray

Anoo cidna ugu darnaanyn

Midna daraja siinayn

Adoo darajo haysto

Xilna lagu dulsaaro

In aad durdurisaa

Sida deeble geelii

Ama dalandal caruureed

Doqonnimo weeye.

Adoo damal harwyno

Dugsi lama huraan iyo

Degganaan ku jifooo

Dantaa waxan ku jirin iyo

Dhalanteeda u duddaa

Waa wax laga diqoodaa

Warroy nabaddu waa door

Warroy dulligii na soo maray

Warroy yaan dib loo noqon

Worroy durugtay sheegadiyo

Warroy nimaan dantiin wadin

Yaanu idiin dardaarwerin.

Daqarrada colaadiyo

Diriirtiyo abaaraha

Dadka ay dishoodeen

Worroy yaan looga sii darin

Warroy waa la doogine

Warroy yaan la dacaroon

Worry duurxulkaas baas

Doodaha wax dumiyiyo

Dibindabyada qarson iyo

Docfaruurka joogtada

Diin haddad ku dhalateen

Aan idiin ducaynee

Naga daaya awgayagow!

W/Q: Avv. Cabdiraxmaan Xaaji Ereg

[email protected]

 

 

 

 

 

 

Avv. Cabdiraxmaan Xaaji Ereg

[email protected]

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News