Waalidiinta dhalinyarada ku maqan dalka Eritrea oo war cusub soo saaray (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ay carruurtooda ku maqan yihiin dalka Eritrea ayaa maanta dibad-bax ka dhigay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay muuqaaladooda la helay dhalinyaradaasi Soomaaliyeed.

Waalidiinta oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si weyn ugu mahad-celinayey madaxweynaha Soomaaliya oo xeradooda ku booqday dhalinyaradaas oo tababar loo geeyey Eritrea.

Cabdullaahi Cali Xasan oo ka mid ah waalidiinta ayaa sheegay inay ku farxeen muuqaalka dhalinyaradaas oo markii u horeysay shalay la arkay iyadoo uu booqanayo madaxweynuhu.

“Waxaan u mahadcelineynaa Alle SWT, bacdeyn madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxmauud tallaabada uu qaaday ayaan uga mahadcelineynaa, waxaana u mahadcelineynaa madaxweynaha dalka Eritrea oo marti qaaday,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka dalbanayaan madaxweynaha inuu dhameystiro inta hartay, isla-markaana uu deg-deg dalka ugu soo celiyo dhalinyaradaasi.

“Waxaan ka codsaneynaa in ilamaha sida dhaqsiyaha badan dalka loogu soo celiyo tallaabada uu qaadayna uu ku xajiyo aadna ayuu u mahadsan yahay madaxweyne Xasan,”.

Dhankeeda Hooyo Caasho Cabdi Cilmi oo madasha ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday inay uga mahadcelinayaan madaxweynaha, sida uu uga soo jawaabay dalabkooda.

“Horta madaxweynaha waa u duceyneynaa, waana u hambalyeeyneynaa, maadaama uu kasoo jawaabay dalabka waalidiinta,” ayey tiri HwAooyo Caasho.