Waalidiinta wiilashooda askar ahaanta loo geeyeey Eritrea oo hadlay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeraya walaaca lasoo dersay waalidiinta Soomaaliyeed, tan iyo markii uu soo shaac baxay warka sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed ay dagaal ka galeen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, isla markaana halkaas lagu dilay boqolaal askari oo Soomaali ah.

Caasimada Online oo xalay baahisay warkan waxaa tan iyo maanta la soo xariirayey waalidiin Soomaaliyeed oo aad u murugsan, kuwaas oo naga dalbanaya in ugu yaraan aan u raadino sawirrada ama magacyada dhalinyarada la sheegay in lagu dilay dagaalkii lagu jebiyey kooxdii TPLF.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa xalay shaaciyey in saraakiil Itoobiyaan ah ay xaqiijiyeen geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea, kuwaas oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

“Baaritaan iyo xiriirro aan la sameeyey meelo kala duwan, waxaa la ii xaqiijiyey in ciidanka Soomaalida ah ee dagaalka gobolka Tigray dhanka Eritrea ka soo galay ay gaarayaan illaa 4-kun oo askari, kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada Itoobiya oo dagaal adag la galay kooxdii TPLF. Waxyaabaha aan aad uga naxay ee nasiib darrada ah waxay tahay, in la ii sheegay in ku dhawaad 400 oo askari ay ka dhinteen dhalinyaradii Soomaaliyeed, boqolaal kalena ay dhaawac yihiin, dhaawacyadoodiina lagu celiyey dhulka Eritrea,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

Dalka oo dhan waxaa maanta is qabsatay qeylo dhaanta waalidiinta ay wiilashoodu ka maqanyihiin, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay uga waday in dalka dibadiisa tababar lagu soo siinayo, kadibna lasoo celinayo, si gaar ah dadka waxaa loo sheegay dalka Qatar lagu soo tababarayo ciidankaas, balse xogtu waxay sheegeysaa in loo dhigay Eritrea oo ah dal dunida dhan ka xiran.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta isugu soo baxay oo warbaahinta la hadlay hooyooyin ku cataabaya in nolol iyo geeri toona ay dowladdu meel ugu sheegto wiilashoodii, halka waalidiinta qaar ay si adag u hanjabayeen.

Hooyooyinka qaar oo qabay xanuuno kala duwan sida Dhiigkar iyo Sunkor, waxay galeen xaalado koomo ah, markii uu soo yeeray warkan sheegaya in dagaal ay ku baaba’een la geliyey dhalinyaradii laga qaaday sanad ka hor.

Magaalada Gaalkacyo ayuu maanta ka dhacay banaanbixii ugu cuslaa, kaas oo ay dhigeen dad u badan haween wiilashoodii ay ku jireen dhalinta la la’yahay raq iyo ruux toona.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si adag uga hadlay arrintaas, iyagoo anfariir iyo qiyaano Qaran oo aan la isaga hari doonin ku tilmaamay hadii falkaas uu ku cadaado dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin warkan luxay qaluubta dadka Soomaaliyeed, arrinta la yaabka leh ayaa ah in qeyla dhaantu hal mar is qabsatay degmo illaa tuulo kasta oo gobollada dalka ah.

Hoos ka daawo cabashada waalidiinta qaar