Washington (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa Axaddii dib u xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, oo ay qayb ka tahay Somaliland. Tallaabadan degdegga ah ee Washington ayaa timid kadib markii Israa’iil ay shaacisay inay gobolkaas gooni-goosadka ah u aqoonsatay dowlad madax-bannaan.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, oo soo saartay bayaan ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Associated Press (AP), ayaa si cad u tiri: “Waxaan sii wadaynaa aqoonsiga midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo ay ku jirto Somaliland.” Bayaanka ayaa hoosta ka xariiqay in siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Soomaaliya aysan waxba iska beddelin, inkastoo ay jirto tallaabada ay qaadday Israa’iil.
Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa si gaar ah u tilmaamay inuusan qorsheynayn inuu durbadiiba raaco wadada Israa’iil. Wareysi uu siiyay wargeyska New York Post, ayuu Trump ku sheegay inuusan ku degdegi doonin aqoonsiga Somaliland, islamarkaana uu u baahan yahay inuu “daraasad ku sameeyo” kiiska Israa’iil.
Markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada aqoonsi Maraykanku bixiyo, Trump wuxuu isku weydiiyay su’aal ahayd: “Horta cid dhab ahaan u garanaysa ma jirtaa waxa ay tahay Somaliland?”
Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.
Bayaanka kasoo baxay Maraykanka ayaa si cad u muujinaya in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.
Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil.
Sida lagu xusay qoraal ay faafisay mid ka mid ah wasaaradaha arrimaha dibadda ee saxiixay bayaanka, dalalkan ayaa ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Bayaankaas ayaa sidoo kale si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

