Wada-hadalada Somalia iyo Somaliland oo dib u furmaya + Dalka lagu qabanayo

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa la filaya in maalinta berri ah ay dib u furmi doonan Wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo wajiga koowaad ee Wada-hadaladaasi ka furmi doonan magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankan berri ka furmi doona Nairobi ayaa waxa isku hor fadhiisan doona Mas’uuliyiin ka kala socda Dowlada Somaliya iyo Somaliland, taasi oo ay qeyb weyn ka qaadatay qaban-qaabada kulankaasi xarunta xalinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue.

Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayan in Wada-hadaladaasi dalka Kenya uga furmaya Somaliya iyo Somaliland ay dowlada Somaliya u mateli doonaan wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Somaaliya, Dr Nuur Diiriye Xirsi ‘Fursade’.

Halka dhinaca Somaliland ay iyaguna wada-hadaladaasi uga qeyb gali doonaan wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon.

Kulankaasi ay isku hor-fadhiisanayan Mas’uuliyintaasi Somaliya iyo Somaliland ayaa waxa goob-joog ka noqon doona xubno ka socda beesha caalamka.

Xubnahaasi caalamiga ah ayaa waxa kamid ah Olgan Bekar, Danjiraha Turkiga u qaabilsan wada-hadalada Somaliya & Somaliland iyo Wakiil ka socda ururka IGAD, iyo weliba Mas’uuliyiin kale oo ilaa hadda la ogeyn.

Si kastaba, waxaa dhowr mar oo hore uu fashil ku yimid wada-hadalo la doonayay inay dhex maraan Dowladda Somaliya iyo Somaliland, hayeeshee kulankan berrito lagu qabanayo caasimada dalka Kenya ayaa u muuqda inuu bilow u noqon doono wada-hadaladaasi oo muddo sanado ah hakad ku yimid.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com