Wada-hadallada Somalia iyo maamulka S/Land oo dib uga furmaya Istanbul

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa u ambabaxay dalka Turkiga oo beri la filayo in ay ka furmaan wejiga Shanaad ee wada hadalada labada dhinac lagu dhex dhexaadinaayo.

War qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay wada-hadallada ka furmi doonaan magaalada Istanbul berri oo Khamiis ah, ayna socon doonaan ilaa maalinta Sabtida ah.

Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaya sii-hayaha Wasiirk arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo sheegay in uu rajo weyn ka qabo in wada-hadallada, labada dhinac ay ku han weyn yihiin in natiijo fiican ay ka soo bixi doonto.

Dhinaca kale waxaa xalay magaalada Addis Ababa ka ambabaxay wafdi ballaaran oo ka socda Maamulka Somaliland, waxaana wafdiga Somaliland hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland waxa uu sheegay in guddidani wakiil ka yihiin shacabka Somaliland sidaa awgeedna reer Somaliland meel ay joogaanba muujiyaan dedaal iyo niyad sami dheeriya, Somalilandna ay heli doonto waxay beesha caalamka ka rabto.