27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Wada-hadalka Xasan Sh uu ogolaaday oo la sheegay inuu yahay is-casilaad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaaanada taageersan ra’iisul waaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa shalay sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay in la hakiyo mooshinka, si wada hadal loogu dhameeyo khilaafka.

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo Caasimada Online la hadlay ayaa sharraxay nooca wada-hadalka ee madaxweynaha uu ka aqbalay xildhibaanada uu la kulmay 26-kii bishan.

Xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in wada-hadalka madaxweynuhu doonayo in khilaafka lagu soo afjaro uu yahay sidii looga wada xaajoon lahaa is-casilaadda ra’iisul wasaaraha, si taasi ay u baajiso mooshinka.

“Waa run madaxweynaha wuu ogolaaday in la joojiyo mooshinka, oo wada xaajood lagu xaliyo muranka, waayo waxa uu doonayaa in wada-hadal laga galo is-casilaadda Cabdi Weli Sheekh” ayuu yiri sarkaal ku dhow madaxweynaha.

Arrintan ayaa ah caqabad cusub, kadib markii xildhibaanada tageersan ra’iisul wasaaraha ay sheegeen in khilaaafka lagu xalinayo wada-hadal, ra’iisul wasaarahana uu xilkiisa sii haynayo.

Xafiiska madaxweynaha waxa uu sheegay in Xasan Sheekh aysan marnaba u cuntameyn inuu dib ula shaqeeyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli, sababo la xiriira is-aaminaadda labada dhinac oo luntay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News