26.3 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Wada-hadallada Xasan iyo Axmed Madoobe – Qodobo la isku fahmay iyo kuwa harsan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wada-hadallada u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa galay marxalad xasaasi ah, iyadoo magaalada Kismaayo loo asteeyey inay noqoto goobta kulan la filayo inuu dhaco.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diyaarinaysa safar uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagi doono magaaladaas si loo soo afjaro khilaaf muddo dheer jiray.

Wadahadallada waxaa markii hore soo jeedisay Villa Somalia, iyadoo dalalka deriska loo maray dalabka in labada dhinac la isu keeno. Imaaraadka Carabta ayaa si gaar ah ugu lug yeeshay gogol xaarka, kadib safarro saraakiishooda ay ku yimaadeen Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa fulisay talooyin Imaaraadka ka yimid, sida inay mowqifkeeda Golaha Ammaanka kaga hor timaado Iran iyo inay taageerto qaraaro ay dalbanayeen oo la xiriira Suudaan, taas beddelkeedna ay xal ka keeni karaan xiriirka xumaaday ee dowladda iyo Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Dadaalladaasi waxay horseedeen isfaham cusub. Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in xiriirka caadi loo soo celiyo, safarrada magaalooyinka dib loo furo, lana qaado xanibaadaha saarnaa mashaariicda.

Si kastaba, muranka ugu weyn weli waa mustaqbalka Axmed Madoobe. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diyaar u ah inuu aqbalo sii joogitaankiisa, balse wuxuu ku adkaysanayaa in laga noqdo doorashadii muranka dhalisay ee Oktoobar 2024.

Miiska waxaa saaran laba ikhtiyaar: muddo-kordhin ku meelgaar ah oo laba sano ah ama inuu sii joogo xukunka doorasho la’aan. Axmed Madoobe ayaa dhankiisa ku doodaya in arrimaha Jubaland ay iyagu go’aan ka leeyihiin, isla markaana dowladda ay qaadato mas’uuliyadda khaladaadkii hore, oo ay ku jiraan dagaalkii Raaskambooni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii hore qorsheeyay inuu Kismaayo tago 15-ka bishan, balse Axmed Madoobe ayaa ka cudurdaartay. Socdaalka waxaa hadda la qorsheeyay dhammaadka bisha, haddii aanay wax isbeddelin, iyadoo magaalada Kismaayo ay isku diyaarinayso qaabilaadda mucaaradka oo iyaguna doonaya inay halkaas taageero siyaasadeed ka helaan.

Si kastaba, mucaaradka ayaa weli haysan ogolaansho ay ku tagaan magaalada Kismaayo, waxaana ku horgudban codsi uu halkaas u dirsaday Madaxweyne Xasan Sheekh oo ah in aan loo ogolaan in ay tagaan.

Kismaayo ayaa sidaas ku noqotay goobta loolanka siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dowladda iyo mucaaradkuba si isku mid ah u arkaan taageerada Axmed Madoobe inay tahay guul siyaasadeed oo horudhac ah.

- Advertisement -

Read more

Local News