Wada-hadalladii Muuse Biixi iyo mucaaradka Somaliland oo fashilmay + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in kulan ay xalay yeesheen xukuumadda Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka, Wadani iyo Ucid uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray khilaafka taagan doorashadaSomaliland oo ay isku hayaan xisbiyada Kulmiye, Wadani & Ucid.

Guddoomiyaha xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay qabteen mucaaradka ayaa sheegay in dhammaan qodobadii laga wada-hadlay aanan lagu heshiin, isla-markaana uu shirka kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

“Qodobadii aanu ula tagnay dhamaantood waxba kaga manaan heshiin, waxba layskagama afgaran, waa laysla mari waayay, waxanaan nuku kala nimid anaga oo aan halkaa isla dhaafin” ayuu yiri guddoomiye Xirsi.

Dhankiisa Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga Ucid oo madasha ka hadlay ayaa weerar toos ah ku qaaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay kaliya inuu fuliyo qorshiisa ah furista ururada siyaasadda ee Somaliland.

“Nasiib daro waxaanu u tagnay madaxweyne cadhaysan ood moodo in isaga la dulmiyay, oo waliba aniga dulmi badan iga sheeganaya, qorshihiisii ahaa in uu urrurada furo bisha Juun 26 keeda, ayaa ka gonayd, waxaanu u tagnay madaxweyne qorshihiisii uu dhigtay daafacaya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa war ka duwan ka mucaaradka kasoo saartay shirkii xalay, waxayna sheegtay in lagu ballamay wada-hadallo kale, sida uu shaaciyey Cali Maxamed Waran Cadde oo ah la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland.

“Wada-hadalku wuu bilowday, qolowalibana wixii ay tabanaysay ayay sheegtay, waxaana laysla qaatay oo laysla gartay in ay u baahantahay in  lasii wado, oo wixii shuruuca ee laysku hayayna la eego oo laysla akhriyo si wadajir ah, arrintaasina loo balamay in lasii wado wadahadalka maalinta Sabtida” ayuu yiri la-taliyuhu.

Somaliland ayaa waxaa ka jira dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo u dhexeeya xisbiyada Wadani, Uicid iyo midka talada haya ee Kulmiye, waxayna isku hayaan doorashada.