Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo gudaha Asbuucaani ay magaalada Muqdisho ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha, ayaa waxaa digniin ku saabsan Doorashada ay Culimada Soomaaliyeed u direen Xildhibaanada Baarlamaanka ee Madaxweynaha dooran doona.
Culimada digniinta u diray Xildhibaanada ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan kuna nool dalka Dibaddiisa.
Sheekh Maxamed Idiris, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka uga digay inay Doortaan Musharax haligaaya dalka.
Sheekh Maxamed Idiris, waxa uu sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay inay ka baqaan Allihii abuuray oo ay Doortaan Madaxweyne munaasib ku ah dalka, si buu yiri looga gudbo dhibta ka taagan dalka.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu u sheegay in maalinta Khiyaamaha wax laga weydiin doono halka ay codkooda ku bixinayaan maadaama ay dhibaato u horseedi karaan Shacabka aan heysan Cadaalada.
Sheekha ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ee dooran doona Madaxweynaha ugu baaqay in ay ku doortaan karti iyo cadaalad, waxa uuna xasuusiyay in dalka uu u baahan yahay Dowlad Caadil ah, isla markaana aysan waxba soo kordhin doonin lacago lagu iibsadaa Codadka.
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Idiris wuxuu sheegay in danta gaar ay ka weyn tahay danta guud, isagoona Baarlamaanka ku booriyay in si xaq ah ay ku doortaan Madaxweynaha Soomaaliya.
Haddalka Sheekh Maxamed Idiris ayaa imaanaya iyadoo walaac laga qabo in Xildhibaanada dhaartay ay codka siiyaan Musharax dalka dib ugu celin doona dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

