25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wadaado iyo ururo diimeedyo ku biiray loolanka mooshinka + Magacyadooda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ku soo waramayaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka waxaa marxaladihii ugu dambeeyey galay diyaargarowga ay ku jiraan xildhibaanada baarlamaanka ee kala taageersan R/wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)  & Madaxweynaha DF Xassan Shiikh Maxúud oo maalinta Sebtida ah ee taariikhdu tahay 30/11/2013 u madlan in ay cod u qaadaan R/wasaaruhu inuu sii shaqeynayo iyo inuu shaqada ka tegayo.

Mooshinkan ayaa ka dhashay markii Madaxweynaha & R/wasaaraha ay isku qabteen liiska wasiirada cusub ee Saacid uu soo dhisay oo laga reebay Faarax C/qaadir & C/kariin Guuleed oo ka tirsan Xisbiga Damjadiid ee Madaxweynaha, waxaana Xassan Shiikh uu ka dalbaday Saacid inuu is casilo.

Xildhibaan ka warbixiyey ololaha labadda dhinac ay ku jiraan wuxuu sheegay in waddaado ka tirsan kooxda Al-Islaax & Ikwaanul-Muslmiin in ay ku soo biireen  dhinaca Madaxweynaha, ayna u ololeynayaan sidii xildhibaanadu ay kalsoonida ugala noqon lahaayeen RW maalinta Sebtida, iyaga oo dhaqaale aan xaddi laheyn ku bixinaya sidii loo meelmarin lahaa qorshahaasi.

“Gulufkii ugu dambeeyey ayaa lagu jiraa, waxaana safka hore soo galay waddaado taageersan Madaxweynaha & Faarax C/qaadir, waxaana ay tani ka dambeysay  markii ay ogaadeen in xildhibaanno ay isku haleynayeen in ay ka soo jeesteen dhinaca R/wasaaraha” ayuu yiri xildhibaankan, wuxuuna intaa ku daray in ay jirto cabsi la xiriirta in Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Mahad Cawad & koox xildhibaanno ah oo ay wada socdaan in marka codadka la tirinayo in ay halkaasi wax isdaba marin ka dhacdo.

“Waddaada ololaha ku soo biiray ee la safan Madaxweynaha & Faarax waxaa ka mid ah Shariif Maxéd C/laahi oo madax ka ah Al-islaax & Shiikh Cali Xassan Waddaad yare oo ka tirsan maamulka  Muslim Afriqu” ayuu yiri xildhibaanku, wuxuuna xusay in Al-Islaax & Muslim Afriqu ay markii hore is qarinayeen balse ay ololahan ku soo biireen markii ay ogaadeen in xildhibaanno badani ay ka soo goosteen.

“Lacagaha ugu bada waxaa bixinaya Kamaal & Faarax markii ay arkeen in ay guuld arro ku soo socoto, waxeyna si xooggan oo dhaleeceynayaan Xildhibaanad Khadiijo Ilkacas  &  Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Mahad Cawad  oo ay yiraahdeen waa na fashiliyeen, waxeyna yiraahdeen waddaadu “Dadka jaadka cuna soo dhoweysi ma lahan” qalqalkooda ugu weynna wuxuu ahaa  wuxuu yimid 2-dii cisho ee u dambeysay” ayuu yiri xildhibaanka.

Isha: Yoobsannews

- Advertisement -

Read more

Local News