Wadahadal Cadaado uga furmay madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhexeeyo

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ka socda wadahadalo u dhexeeya Hogaamiyaha maamulka, Ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen.

Wadahadalka ayaa si toosa uga socda Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaaladaa Cadaado, waxaana ka dhex shaqeynaaya mas’uuliyiinta uu khilaafka u dhexeeyo Wasiiro, Xildhibaan, Siyaasiyiin madaxbanaan iyo Odayaal dhaqmeen.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Warsame oo kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegtay in wadahadalka uu maraayo meel wanaagsan, isla markaana ay rajadu tahay mid aad u wanaagsan.

Waxa ay Xildhibaanadu sheegtay in inta badan wadahadalka uu yahay mid goobi gooni ah, oo la doonaayo in mas’uuliyiintu ay ku xaliyaan khilaafkooda.

Xildhibaan Caasho, waxa ay intaa ku dartay inay rajo wanaagsan ka qabto in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug ay xal ka gaari doonaan, maadaama haatan si iskood ah ay u wada kulmayaan.

Sidoo kale, Xildhibaan Caasho waxa ay nasiib daro ku tilmaantay in Xildhibaanada qaarkood ay la kala safteen Madaxda uu khilaafka u dhexeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan arrimahaan is biirsaday ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyaha maamulka uu dhawaan sheegay in Maamulkiisa ay faragelin ku hayaan Madax ka tirsan xukuumadda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com