Waddadii uu ku bixi lahaa ra’iisul wasaare KHEYRE

Muqisho (Caasimada Online) – Xukumadda Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyey musuq maasuq baahsan kaddib warbixin dheer oo ay daabaceen Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee  Golaha Shacabka.

Sida ay sheegeen guddiga waxaa maqan ama si wax isdaba marin ah loo maareeyey 50 Milyan oo laga helay Sucuudiga, taasi 20 milyan oo ka mid ah aanay ku jirin xisaab xirkii ay xukuumadda soo gudbisay.

Haddii ay dhacdo in xukumadda Kheyre ka jawaabi weyso musuq maasuqa lagu soo eedeeyey, waxaa ka dhalan kara go’aan bulshada Soomaaliyeed hadda ugu muuqda mid aan dhici karin.

Go’aankaas waxa uu horseedi karaa in xubnaha baarlamaanka ay codka kalsoonida isku raacaan in ay u qaadaan xukumadda Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo hadda sanadkeedii labaad ku dhaw.

Xildhibaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in arrintan ay noqon karto waddo u furanta xildhibaanada mucaaradka, oo ay mooshin xil ka qaadis uga keenaan Kheyre.

Dhacdan ma aha markii kowaad oo waxyaabo musuq maasuq la xiriira lagu soo eedeeyo xukumadda Kheyre, waxaana hore u jiray xogo badan oo si toos ah iyo si dadban ah u caddeeyey in Xukumadda ay Musuq Maasuq ka dhammaan la’dahay.

Warbixinta dheer ee Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee  Golaha Shacabka ayaa ku soo aadeysa xilli Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku cel celiyo in ay la dagaalamaan musuqa oo waliba loo xiray shaqsiyaad hoose oo dowladda ka tirsan.

Dad badan ayaa aaminsan in shaqsiyaadka darajada hoose ee loo xiro musuq maasuq ay qeyb ka tahay isku day shacabka lagu qaldayo, oo magaca xukuumadda lagu wanaajinayo, ayada oo mas’uuliyiinta sare ay xatooyo aanay shacabka ogeyn ku lug leeyihiin.

Arrintan waxay horseedi kartaa in Kheyre ama wasiiro sare ay ku baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com