Wafdi culus oo ku wajahan HirShabelle & wararkii ugu dambeeyey ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wufuud kala duwan oo ka socota dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda ku wajahan deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar, kuwaas oo qeyb ka noqon doono dadaallada socda & dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo wasiirka cusub ee arrimaha gudaha General Muqtaar Xuseen Afrax ay tegayaan marka hore magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan kulamo wadatashi ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa dhageysan doono cabashada ay reer Beledweyne ka muujinayaan qorshaha dhismaha HirShabelle ee ka socda magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ay dhankooda ku sii jeedaan caasimada HirShabelle, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada ka socda magaaladaasi iyo doorashada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa ka socota Jowhar, waxaana dhowaan gaaray odayaasha dhaqanka ee wax ka dhisaya maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhowaaqo xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle.

Si kastaba khilaafka ka taagan dhismaha maamulka HirShabelle ayaa muddooyinkii la soo dhaafay sii xoogeysanayey, waxaana arrinta ugu daran ee la’isku hayo ay tahay kursiga madaxweynaha oo ay ku muransan yihiin beelaha kala dega Jowhar iyo Beledweyne.