Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in maanta oo Isniin ah ay magaalada Muqdisho kusoo fool leeyihiin Wafdi wasiiro u badan oo ka socda dowlada Sacuudiga.
Wafdigaani ayaa la sheegay inuu Hogaamin doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, waxa ayna booqashadoodu tahay mid la xiriirta Xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar.
Wafdigani oo socdaal ku mari doona dhowr dal oo Islaam ah, ayaa waxa ay kusoo hormari doonaan magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay la kulmi doonaana Madaxda ugu sareysa dalka.
Wafdigani ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka ku wareejin doona dhambaal ay uga wadaan Boqorka Sacuudiga, kaa oo ay ku qoran yihiin dalabyo la xiriira xiisada kala dhexeysa Qadar, iyadoo Madaxweynaha laga dalbanaayo in dowladiisa ay garab u noqoto Sacuudiga.
Dowlada Sacuudiga ayaa Somalia siineysa fursadii ugu danbeysay, waxaana intaa kadib suuragal ah in Sacuudiga qudhiisa uu go’aan ka qaadan doono Somalia, oo la rumeysan yahay inay u janjeerto dhanka Qadar.
La Taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa Asbuucii hore safar qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho uu kala laabtay natiijo la’aan, kaddib markii DFS ay diiday kamid noqoshada xiisada.
Si kastaba ah ahaatee, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku cadaadineysa dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aankii ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]