Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo ka kala socda dalal iyo qaarado kala duwan; sida Afrika, Asia, USA iyo Yurub (Kenya, Tanzania, Uganda, USA, Qatar, China, India iyo Austria) ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Wafdigan oo uu hoggaaminayey PLO Lumumba Foundation ayaa waxaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wada-hadlay sidii loo maalgashan lahaa fursadaha badan ee dihin ee ka jira Somaliland, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.
Cirro ayaa wafdiga soo dhaweeyey, kuna dhiirrigeliyey in ay maalgashadaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada tamarta , wax-soo-saarka iyo kheyraadka dabiiciga ah, kuwaasi oo ah fursado ballaadhan oo dihin oo u baahan in la maalgashado, isla markaana loo rogo koboc dhaqaale iyo shaqo-abuur bulshada Somaliland u horseeda horumar la taaban karo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka jirto nabad, xasillooni, deggenaansho siyaasadeed oo la isku hallayn karo, maamul hufan iyo hannaan dimuqraadi ah, taasi oo suurto-gelinaysa in la sameeyey maalgashi waxtar u leh labada dhinacba.
Dhinkooda, wafdigan ballaaran ee ka kala yimid qaarado iyo dalal kala duwan, ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad-naqay soo dhaweynta diirran iyo wadahadallada midho-dhalka ah.
Waxa ay ballan-qaadeen in ay si mug leh u darsi doonaan fursadaha kala duwan ee maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan kuwa la xidhiidha tamarta, wax-soo-saarka, khayraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Wafdigan ayaa ka marag-kacay in Somaliland ay tahay dal leh nabad, xasilooni iyo degganaansho siyaasadeed oo dhiirri gelin karta, soona jiidan karta maalgashiga caalamka, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.