28.6 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Wafdi Midowga Yurub ka socda oo Hargeysa tegay iyo Muuse Biixi oo cadaadis lagu saarayo in uu aqbalo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Safiirka iyo Wafdigiisa oo ka kooban Beesha Caalamka ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo Hogaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaridka ah.

Wafdigan ayaa waxay sare u qaadi doonaan cadaadiska xoogan ee Madaxweyne Biixi lagu saarayo in uu aqbalo qabashada doorashooyinka iyo sidii ugu laaban lahaa qorshaha uu dhawaan shaaciyay ee dib u furista ururada siyaasada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka wafdigan ayaa la xiriira sidii ay Madaxweynaha Somaliland ugu qancin lahaayen in uu ka laabto qorshaha uu ku rabo in uu dib u furo ururada Siyaasada iyo arrinta Komishanka cusub oo iyadana murugsan.

Khilaafka xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa sii xoogeystay kadib markii madaxweynuhu uu dhawaan shaaciyey in uu dib u furayo ururada siyaasada, midaasi oo ku sheegay in uu xal u noqonayo khilaafka hadheeyay doorashooyinka.

Wixii ka soo kordha kulamada Wafdigan kala soco Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News