28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo hadda ka duulay garoonka Aadan Cadde

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad siday wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhow ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan shir la dilayo inuu ka dhaco magaaladaasi oo u dhaxeeya dowladdaha Islaamka iyo dowladda Mareykanka.

Shirkaasi waxaa ka qeyb galaya hogaamiyaasha dalalka Islaamka iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaase ka cudur daartay ka qeyb galgiisa madaxweynaha Sudan Cumar Xasan AlBashiir.

Inta badan shirkaasi ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-qaacida iyo ISIS oo dhibaato ku ah dalal badan oo caalamka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya inta uu halkaasi ku sugan yahay ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynayaal kala duwan, waxaana aad loo hadal hayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News