26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Wafdigii la sugayay ee Jaamacadda Carabta oo yimid Muqdisho + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana soo dhaweyn ballaaran u sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada.

Wafdigan oo la sugayay ayaa horay loogu wargeliyay Dawladda Federaalka oo xubin buuxda ka ah Jaamacadda Carabta, kadib markii Danjire, Cabdalla Cuteybi uu horay u sheegay in ay sii xoojin doonaan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo in ay dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo maanta yimid Muqdisho.

Xamze Cabdi Barre oo qaabilay wafdigan sare ayaa kala hadlay ujeedkooda oo la xiriira hirgalinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada dalka iyo horumarinta Afka Carabiga.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey ururka Jamacadda Carabta, taageeradooda ku aaddan dhinacyada diblumaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska iyo doorka ay ka qaateen dayn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.

Dhankooda xubnaha ka socday ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo agaasimaha waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Mudane Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay..

Waxaa kale oo uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista iskaashiga iyo horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta.

Imaashaha wafdiga ayaa kusoo aadayo iyada oo dhowaan Ururka Jaamacadda Carabta uu tirtiray 75% daynta lagu lahaa Soomaaliya, taas oo uu safiirka Soomaaliya ee Masar iyo wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ku tilmaamay “guul taariikhi ah.”

Inkasta oo aan si cad loo shaacin cadadka guud ee Soomaaliya ku lahayd Jaamacadda Carabta, haddana Awaare ayaa xusay in cafiskaasi uu ka dhashay “dadaallo diblomaasiyadeed oo joogto ah” oo ay safaaradda Soomaaliya ee Qaahira wadaysay, taasoo waafaqsan tilmaamaha hoggaanka qaranka Soomaaliya.

Tan iyo 1991-kii, markii dowladdii dhexe ay dhacday, Soomaaliya ma aysan awoodin inay bixiso waajibaadkeeda xubinnimo ee Jaamacadda Carabta, taasoo deynta sii kordhisay sannadba sannadka ka dambeeya.

- Advertisement -

Read more

Local News