Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada New Delhi ee dalka India gaaray wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar.
Wafdigan ayaa lagu wadaa inay kulamo kala duwan la qaatan Madaxda ugu sareysa dalka India waxa ayna booqan doonaan Xabsiyada ay ku jiraan Maxaabiista Soomaalida ee loo heysto kiisaska burcad-badeednimo.
Wafdiga ayaa dowlada India kala wareegi doona Maxaabista oo la filaayo in dib loogu soo celsho dalka si loo sii ambaqaado xukunada ku dhacay.
Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India ayaa la kulma dhibaatooyin xooggan waxaana badankood loo heystaa falal Burcadbadeednimo.
Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay kula soo wareegayso Maxaabiis ka badan 118 qof oo ku xiran dalka Hindiya.
Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada India ay ogolaansho ka bixisay in Maxaabiista lagu soo celsho dalkooda, isla markaana dib loo eego xukunada ku dhacay.
Dhawaan ayey aheyd goortii ay dowlada Federaalka ku guuleysatay inay dib ula soo laabata Maxaabiis farabadan oo ku xirnaa Xabsiyada Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

