Wafdigii ugu sarreeyey ee Carbeed oo maanta yimid Muqdisho (Daawo Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socday dowladda Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya.

Wafdiga Qatar ayaa waxaa hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, waxaana la socday wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta dalkaas Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Waa wafdigi ugu darajo sarreeyey ee dal Carbeed uu usoo diro Soomaaliya, tan iyo markii dowladda dalka ay burburtay muddo ku dhow 30 sano.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka gaadiidka Qatar Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa la kulmay wasiirka dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys, waxaana dowladda Qatar ay si rasmi ah ugu dhowaaqday mashruuca dhismaha dekedda Hobyo ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com