27.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Wafti ka socda beesha Khaatumo oo qorshe culus u yimid Muqdisho iyo DF oo laga doonayo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)  – Qaar ka mid ah madax dhaqameedka gobollada Sool iyo Sanaag ayaa gaaray magaalada Muqdisho ujeedada safarakooda ayay xogo aan ka helayno waxay sheegayaan in tahay inay ogadaan mawqifka DF Soomaaliya ee gobolladan ku aadan.

Isimadan oo la shiray Siyaasiyiin iyo waxgarad Muqdisho ku sugan oo ka soo jeeda deegaanada Sool iyo Buuhoodle, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay la kulmaan madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Somalia.

Isimada ayaa waxaa ka mid ah Garaad Cabdirisaq Garaad Soofe, Boqor Cabdullaahi Axmed Cali, Garaad Maxamuud Cusmaan Mashqare, Garaad Saleebaan Buraale iyo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed lama saadalin karo natiijada ka soo bixi doona wada-hadallada ay la galayaan madaxda Dalka madaama kala qaybsanaan siyaasadeed ay ka jirto deegaanadan.

Xasaradaha siyasadeed ee deeganada Sool, Sanaag iyo Buhoodle ayaa muddo toban sano ka badan soo jiitamyey waxaana toddobadyadii tegay dib u curiyey hishiiskii Somaliland ay Hargaysa kula gashay Khaatumo oo inta badan Isimada gobolladaasi ay ka hor yimaadeen.

Maamullada Puntland, Somaliland iyo Khaatumo ayaa deeganadan wada sheegta intooda badana waxaa xilligan gacanta ku haya maamulka Somaliland halka Puntland aysan weli ka hadlin hishiiskan iyo xiisadaha siyasadeed ee ka aloosan degaanadaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News