26.6 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Sawirro: Wakiilnimada Keating oo gaartay heer uu booqdo xoolaha Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa maanta booqasho ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Michael Keating, ayaa markii uu gaaray magaalada Beledweyne soo dhaweyn kadib booqasho ku tagay suuqa Xoolaha ee ku yaala Xaafadda Kooshin halkaasoo lagu iibinayay xoolo laga kala keenay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Michael Keating, ayaa markii uu gaaray Suuqa wareysi la yeeshay Ragga iibinaaya Xoolaha waxa uuna si gaara uga wareystay sida ay kusoo iibiyaan xoolaha iyo sida ay uga badbaadshaan abaaraha hadda ka jira inta badan Gobolada.

Keating ayaa sidoo kale, xoolo dhaqatada weydiiyay xaaladooda nololeed iyo weliba qiimaha la iibinayo xoolaha, waxa uuna weydiiyay qiimaha neefka ariga iyago sheegay in neefka ariga xiligan la iibiyo lacag jaban.

Micheal Keating, kuma uusan dheeran booqashada Goobaha lagu iibiyo Xoolaha, waxa uuna halkaasi ka uruursaday Macluumaad dhanka Xoolaha Soomaalida.

- Advertisement -

Read more

Local News