Walaashay Nimco Yaasiin iyo nasabkeeda ay dafirtay (W/Qoray: Adeega Caraale)

QAYBTA 1-AAD:

Dadka oo dhan Ilaahaybaa abuuray oo waa ilma Aden iyo Xaawa, Ilaahay isagaa karaameeyay bani aadanka oo ka fadilay makhluuqiisa kale oo dhan.  Ilaahay ba hadana innaga dhiga y qabaail si aan isugu aqoonsanno oo la isku garto, balse carab iyo cajabi, caddaan iyo madaw, bani’aadanku waa isku mid xagga dadnimada, xuquuqda iyo nolosha oo dhan, umadda islaamkuna magac ay lahaadaan iyo meel ay joogaanba waa dad mid ah oo u siman Alle (SWT), waxana  Eebbe loogu kala dhawaanayaa adduunka korkiisa iyo maalinta aakhiraba kaliya iimaanka iyo camalka wanaagsan ee uu qof waliba la yimaado inta uu noolyahay ee cimrigiisa laga dhigay adduunyada.

Nasabka uu ku arooro qofkastaa iyo halka uu ka soo jeedo ee asalkiisu yahay ama ku abirsadaa waa mid qof waliba ku qanacsanyahay, u hanwaynayahay ama ku faano ee aanu ka faanin. Haddii aad tahay Annaas, Madhibaan, Muuse, Hawle, Wardheere, Isaaq, Gadabuursi, Daarood, Ciise ama beel kaleba oo Somaliland ama Somali kale ah qofna qofka kale wax uu dheeryahay ma jiro xagga dadnimada, iyo diinta islaamkaba. Takoorka, haybsooca iyo Qabyaaladdu waa dhibaato ka jirta oo lagaga dhaqmo ama weli saamayn badan ku leh dunida seddexaad, dalalka aan horumarin iyo meelo badan dunida, dalkeenana wuu ka jiraa oo mid weyn ayaannu tirsanaynaa gaar ahaan xagga dhaqanka, bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinacyo badan oo nolosha ah. Haseyeeshee, qofkii cuqdad ka qaada cidda uu yahay iyo asalkiisa ee cid aanu dhiig ku lahayn isku tiriyaa waa qof aan damiir fiican iyo iimaan lahayn oo aan ku kalsoonayn naftiisa iyo asakiisa, ciddii dad aanay dhalin oo isku dhiig ahayn doonaysaana kaba sii daran, waana damac kiisa u xun iyo danbi ay tahay in lagula xisaabtamo oo laga abaalmariyo.

Walaashay Nimco Yaasiin haddii ay iyadu sidaas garatay inay Reer Xaamud noqoto oo ay dafirto nasabkeedii, aabbaheed iyo hooyadeed iyo reerkay ahayn ee Cali Xasan Annaas (YIBIR) waa mid iyada jirta iyo shakhsiyadeeda. Anigu kamaan  maarmin walaashay oo waan jeclaa balse waan ka samri karaa oo khasab maaha inaan daba cararo, qof aad dhashay ayaaba laga samraa oo la iskaga hadhaa hadduu kugu kalifo ama kaa galabsado sidaas oo xuquuqda lagu leeyahay isagu garan waayo dhankiisa. Maanta iyaduna waa qof weyn oo aakhiru cimri ah oo todobaatan ayaan aniga iyo iyaduba afka saarray balse waxa aan ku dagaalamayaa sharafta iyo karaamada nasabkayaga iyo dhiigga aabbahay inaan lagu sheegan been been.

Haseyeeshee, waxa igu kallifaya inaan qoraalkan sameeyo oo waxbadan soo bandhigo; hadallada been abuurka ah iyo wararka aan maqlayo iyo sida ay Nimco ku doodayso ee ah inay ka luntay Reer Xaamud, dadkaasina sheeganayaan inay ka luntay oo ay sidaas ahayd. Ugu horayn, waxan ka hadli doonaa taariikhda qoyskayaga reer Yaasiin Caraale ee aniga Adeega ah iyo Nimcaba  aanu ka dhalanay ee kasoo jeedno, Waxa aan ka warramayaa carruurnimadayadii, koritaankayagii, waalidkayagii, xidhiidhkayagii aniga iyo Nimco sanadihii dhexe ee 1990-2002, iyo sidii ay ku bilaabantay inay Nimco is bedesho oo ay nasabkeeda dafirto. Waxa aan ka hadli doonaa xilliga ay Nimco bilawday is bedelka haybta iyo reerbaa igu dhagay ahaa iyo arimo ku xeeraa ama ku soo beegmayay wakhtigaas. Waxa aan soo bandhigayaa caddaymo badan oo bulshada u iftiiminaya inay Nimco ka abuurtay nasabkeeda waxku kallifayba taas. Waxa kale oo aan ka hadli doonaa dhibaatooyinka jira ee arrintan la xidhiidha ee u baahan in la darso, la isaga garaabo oo wax laga qabto. Ma doonayo inaanu walaashay warbaahinta ku muranno, dad waaweyn oo ayni ayaanu nahay oo anna 67 jir baan ahay, iyana way igu xigtay oo waa 64 jir. Waxa aan leeyahay adduunyaduna maanta horumar ayay gaadhay oo si fudud ayaa loogu kala baxaa kiisaska noocan ah ee caddaymo ma noqdaan baro ayay lahayd, buur baa lagu xaday, dhagaha ayaa dhaadheer, iyo hadallada rakhiiska ah ee warbaahinta lagu gudbinayo.

Ujeedada aan ka leeyahay taxanaha qoraalkan iyo halka u dambaysa ee aan ku socdaana waa inaan xaqiijiyo inaan gaadho oo helo goor iyo goob cadaalad ah dalka gudihiisa iyo debadiisa halka ay noqotaba iyo maalinta ay noqotaba in si rasmi ah loo baadho (DNA) inaanu Nimco isku dhiig nahay, halkaas ayaanan kaga hadhayaa arrinteeda halkaana aan ku soo afmeero sheekadeeda ilaahay haduu nafta ii daayo intaas. Kama hadhayo arrintaas illaa aan gaadho ujeedadaas meelkasta oo ay ila tagayso qadiyadaasi. Waxa aan uga jeedaa taas inaan bulshada dalkayaga Somaliland, dawladayada sharafta leh iyo dunida caalamka usoo bandhigo xaqiiqada iyo sida ay runtu tahay. Waxa aan doonayaa inaan tegitaanka Nimco noqon wax fudud, dadkayaguna aanu noqon tusbax furta oo kolba reer qof Madhibaan ah oo muuqda aanay iska sheegan iyagoo leh baribuu baribuu buurtaa  naga lumay, calaamad iyo baruu lugta ku lahaa oo cidina aanay ka hadal ee sidaas lagu dhaafo. Awalba dhibaato ayay qabeen Madhibaanku se dad karti iyo kalsooni leh weeyaan oo u samraya waxbadan oo ku dhacaya xagga dhaqanka, tan oo kale waxan u arkayaa inay tahay isir la dagaalan hoose oo ku bilaabmay beelaha la haybsooco loona baahan yahay in si caqli iyo cilmi leh loo waajaho waxka qabashadeeda arrintan. Waxa aan ka furayaa dacwad ku saabsan baadhitaan sax ah (DNA) oo aniga iyo walaashay ah maxkamadaha dalkeena Somaliland ee sharafta leh iyo maxkamadaha London ee dalka Ingiriiska oo ah halka ay Nimca iska dhiibtay 1990kii iyadoo ah Nimco Yaasiin Caraale. Waxa aan gaadhsiinayaa arintayada illaa madaxweynaha sharafta leh ee Somaliland oo aan leeyahay madaxweyne kaliya waxa qoyskayaga iyo beel ahaanba aanu doonaynaa oo aanu ku qancaynaa in si madaxbanaan oo cadaalad ah oo cadaan ah oo run ah naloogu baadho dhiiga isirka Nimco Yaasiin iyo Aniga oo adeega Caraale ah, intaas kadibna iyadaa xor ah oo sidaas immikaba ay ugu doodayso ha raacdo ciddaas ay jeclaatay balse in runta la ogaado oo aan dhiigayaga si sahlan loogu murmin mar dambe tan oo kalena aanay markale u dhicin ayaanu doonaynaa, waana mid aanu xaq ugu leenahay dawladayada sharafta leh ee Somaliland.

Waxa aan u mahad celinayaa dhammaan bulshada reer Sheekh ee walaalahay ah, dhammaan dadka reer Somaliland ee maanta na garab taagan ee nagu taageeraya inaanu difaacno sharafta iyo qoyska aabbahay iyo dhiiggayaga, kana dhiidhinno been abuurka ay inantaasi ku kacday…..LA SOCO QAYBTA 2-AAD, Insha Allah

W/Q: Adeega Caraale