Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay is-difaac ka dhan ah Somaliland iyo Puntland, oo dhawaan heshiis ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa sheegay in labada maamul ay u heshiiyeen in ay wiiqaan Woqooyi Bari, isla markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan.
“Waqooyi Bari waa dhalatay, waa jireysa, waana joogta, Somaliland waa inay intaas aamintaa,” ayuu Guddoomiye Aadan ku yiri wareysi cusub oo uu bixiyay.
Waxa uu intaas kusii daray “Culeys kasta oo yimaada, madaafiic ayaa lagu garaacay Laascaanood, markaas wax kasta difaac ayaa laga galayaa, oo xaqa ayaa guuleysanaya. Waqooyi Bari xaq ayey ku taagan tahay oo cidna ma dulmineyso.”
Heshiiska amni ee Somaliland iyo Puntland ayuu ku tilmaamay mid aan ka shaqeyn karin deegaanada maamulka Waqooyi Bari, maadaama labada dhinac “ay haatan wadaagin xuduud dhab ah.”
Heshiiska amni ee Somaliland iyo Puntland ay dhawaan ku gaareen Nairobi ayaa loo fasiray “mid labada maamul ugu midoobayaan diidmada maamulka cusub ee Waqooyi Bari”.
Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay gaaraan Hargeysa iyo Garoowe. Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.
Shirkaas oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.
Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.
Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.
Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.
Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.