25.7 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Waqtiga lasii deyn doono Roobow oo la shaaciyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Maxamed Lafta Gareen ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay inuu ka shaqeyn doono xalinta waxyaabihii ka dhacay magaalada Baydhabo intii uu musharaxa ahaa.

Lafta Gareen, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka uu kala hadlay labo arin oo kala ah sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wuxuu sheegay in isaga maadaama hadda uu yahay madaxweynaha la doortay shaqaaqadii dhacday kadib inuu xalin doono tabashooyinka ay qabaan odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

“Doorasho kasta oo dunida ka dhacda ayaa dhibaato ay ka dhacdaa, tan iyo ugu yar waa la isku caayaa ama la isku dilaa, waxii halkaan ka dhacay maadaama hadda aniga madaxweyne aan ka noqday Koonfur Galbeed anigaa u taagan inaan xaliyo”ayuu yiri Lafta Gareen.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoonka baarlamaanka ayuu sheegay inuu si aad ah kala hadlay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana uu sheegay in wadahadalkaasi meel wanaagsan uu marayo.

Wuxuu sheegay in Mukhtaar Roobow lasoo deyn doono marka uu dhamaado wadahadalka islamarkaana la isku fahmo waxyaabaha ay ka wada hadlayaan, isaga iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow ayaa Baydhabo laga soo xiray 13 December maalmo un ka hor inta aysan doorashada ka dhacin magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News