26.1 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

WAR-CULUS: Baarlamanka Soomaliya: Xukuumadda ha la kala diro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga dooday xaaladda amni ee dalka haatan uu marayo, waxayna Mudanayaasha diyaariyeen mooshin ka dhan ah xukuumadda Federaalka.

Golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Dowladda dhexe ay ku fashilantay waxqabadkeeda dhinaca ammaanka, isla markaana loo baahan yahay in si degdeg ah ay xukuumadu wax uga qabato falalka nabadgelyo xumo ee maalmahaan dalka ku soo kordhay.

Mudanayaasha maanta shirka ku yeeshay xarunta Golaha Baarlamaanka ayaa dalbaday in xukuumadda la kala diro ama isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada, iyagoona arrintaasi sabab uga dhigay dhowr arriimood oo la xariira waxqabadka xukuumadda.

Dhinaca kale qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Warbaahinta la hadlayay ayaa caddeeyay in xukuumadda Federaalka ay ku fashilantay wax ka qabashada dhinaca amniga, musumaasuq iyo habacsanaan howlihii loo igmaday.

Xildhibaanada ayaa intaasi raaciyay in xukuumadda dhexe iyo madaxda sareba ay door bideen safarro aan wax micno ah u soo kordhineynin dalka iyo dadka, waxayna hoosta ka xariiqeen in shirarka dalka dibadiisa ka dhacaya ee lagu casuumo xukuumadda Soomaaliya ay tegayaan madaxda sare, oo xitaa bartakool ahaan ay ahayd in loo diro Wasiir ama Wasiir K/Xigeenno.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News