Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa maanta war cusub kasoo saartay kiiska saddex nin oo ku eedeysan in ay dileen Hooyo iyo saddexdeeda gabar, kuwaas oo ay dhawaan xukun dood dhaliyay ku ridday Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka.
Eedeysanayaasha oo kala ah Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi ayaa loo haystaa inay ka dambeeyeen dilkii loo gaystay Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo gabdhaheedii Nuuro Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed iyo Faa’iso Axmed.
Warqad kasoo baxday Maxkamadda Racfaanka ee Galgaduud ayaa waxaa lagu muddeeyay dhageysiga kiiskan oo dhici doono maalinta Arbacada ah oo ku beegan 5/11/2025.
Maxkamadda ayaa fartay taliyaha saldhigga degmada Dhuusamareeb inuu diyaariyo maxaabiista, isla markaana uu waqtiga la qabtay ku horkeeno Maxkamadda.
Sidoo kale, xeer-ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanayaasha ayaa la faray inay kasoo qayb-galaan dacwadda, maadaama mar labaad la guda galayo kiiska.
Horay Maxkamadd Darajada Koowaad ee gobolka Galgaduud ayaa Cabdi Cisman iyo Galad Axmed ugu xukumtay tacsiir shan sano ah, halka Ayuub Maxamed lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, waxaaa arrintaas dood ka keenay xeer-ilaaliyaha iyo ehellada marxuumiinta oo mar kale aaday Maxkamadda Racfaanka oo haatan la wareegtay kiiska.
“Maxkamadda marka ay dhageysatay doodda xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Galmudug iyo cadeymaha uu soo gudbiyay, maxkamadda markay dhageysatay difaaca qareennada eedeysanayaasha, waxay maxkamaddu ku xukuntay tacshiir shan sano ah oo xabsi ah,” ayuu yiri Garsooraha Maxkamadda ee horay xukunka ula wadaagay warbaahinta.
Sidoo kale, wuxuu Garsoorka markaas sheegay in dadka leh dhaxalka ay diideen in ay dhaartaan ama dhaariyaan eedeysanayaasha, taasina aysan keenayn in lagu helay dambiga.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, iyadoo si arxan darro ah loo dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.
Si kastaba, ha’ahaatee, Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.


