26 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

War cusub oo kasoo kordhay aqoonsiga Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal oo maanta warbaahinta la hadlay, xilli uu la shirayay hay’adaha amniga ayaa soo hadal qaaday arrimaha aqoonsiga, isaga oo ka warbixiyay halka ay wax u marayaan.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay ololahooda ku aadan inay helaan ictiraaf buuxa, wuxuuna sheegay in maanta Somaliland ay ugu dhowdahay in la aqoonsado.

“Somaliland meel fiican ayay mareysaa waa waqtigii ay ugu dhaweyd ee Somaliland in la ictiaafo ay ku dhowdahay, waxaanu ognahay soo dhawaawashaha ictiraafku in uu jiro cadow badan oo aan raalli ka ahayn oo meelo badan ka imaanayo” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay tahay nabad-gelyo buuxda, isla markaana ay tahay in lasii xoojiyo, taas oo uu tilmaamay inay ku xiran tahay aqoonsiga.

“Somaliland waxaa lagu ictiraafayaa inay tahay dal nabad-gelyo ah oo meesha aad doonto mareyso waxaad doonto qabsan karto cid alaala oo nabad-gelyadaada waxyeeli karta aanan jirin” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan dad cadow ku ah Somaliland oo dadaal ugu jira sidii loo carqaladeyn lahaa ictiraafkooda, balse ay ka guuleysan doonaan.

“Waxaa dadaal wayn loogu jiraa sidii arrintaa carqalad loo galin lahaa aqoonsiga Somaliland. Qof waxaa wadaa shaar kale ayuu soo gashanayaa iyo midaba kale ayuu soo marayaa taasubaa u baahan inaan taxadar ka sameyno” ayuu mar kale yiri wasiir Bakaal.

Somaliland ayaa muddooyin xoogga saartay arrimaha aqoonsiga, iyada oo ololaheeda gaarsiisay Washington, si ay ictiraaf uga hesho Mareykanka, waxayna toos ugu xiratay xubno ku dhow Madaxweyne Trump oo ay ku jiraan xildhibaanno taageersan qadiyadooda.

- Advertisement -

Read more

Local News