28.6 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

War cusub oo kasoo kordhay khilaafka DF iyo HirShabelle

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska HirShabelle oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay khilaafkii xoogganaa ee dhowaan soo kala dhex-galay iyaga & Taliska Booliska Dawladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii labada dhinac ay laba taliye u kala magacaabeen saldhigga Jowhar.

Xasan Dhicisow ayaa shaaca ka qaaday in Dawladda Federaalka iyo maamullada ka jira dalka ay ku shaqeeyaan laba heer, isla markaana State-yada ay leeyihiin Boolis gaar ah, sidaas oo ay tahay haddii ay magacaabis noqoto ay iyagu soo dalbadaan sarkaalka ay u baahan yihiin.

“Laba heer ayaan ku shaqeynaa taliyeyaashii horana aan kula shaqeyn jirnay labadaasi heer oo ah haddii aan u baahano sarkaal heer federaal ah waxaan waydiisanaa taliyaha Booliska codsi ayaan gudbinaa waxaan dhahnaa sarkaalkaas noo soo magacow, iyagana waa noo soo magacaabi jireen saas ayaan ku keeni jirnay, haddii la beddalaayana saas oo kale ayaan sameyn jirnay” ayuu yiri taliyaha Booliska maamul-goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyagu  ay xaq u leeyihiin haddii ay saraakiishooda ka dhex helaan sarkaal xukumi kara saldhigga inay magacaabaan, haddii kalena ay ka codsadaan Booliska heer federaal oo uu tilmaamay in weligood ay sidaas ku wada shaqeyn jireen.

“Tan kale haddii aan u garano sarkaal State-ka haddii aan u garano inuu xukumi karo saldhigga oo aan saraakiisheenna ka dhex helno saas ayaan ugu magacownaa” ayuu sii raaciyay.

Taliyaha Booliska HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xaqiijiyay in haatan xal waara laga gaaray khilaafkii ka dhashay magacaabista taliyaha Booliska Jowhar, isla markaana labada dhinac ay isaga yimaadeen, kadibna sidaas lagu gaaray xal wadajir ah.

“Hadda wixii dhacay waan isaga imaanay taliyaha Booliska Soomaaliyeed waa taliyaheyga runtii arrinta waxay ku dhammaatay wax taliyaha ku qanacsan yahay annagana aan ku qanacsanahay wax dhibaato ahna kama jiraan” ayuu mar kale yiri Taliye Xasan Dhicisow.

Wuxuu ku daray “Taliyaha Booliska waxaan leeyahay is maandhaafkii yaraa ee dhexdeenna soo galay meesha ayuu ka baxay taliyaha Booliskana waa taliska aan wada hiigsaneyno”.

- Advertisement -

Read more

Local News