27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

War cusub oo kasoo kordhay kiiska wiilkii 14 jirka ee la gowracay

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhoobley (Caasimada Online) – Ciidamada amniga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa shaaciyay inay gacanta ku soo dhigeen nin lagu eedeeyay inuu gowracay wiil yar oo 14 jir ah

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Jeelle Maxamed Cusmaan ayaa la sheegay inuu sidoo kale dhaawac daran u geystay wiil kale.

Falkaan naxdinta leh ayaa la sheegay inuu dhacay habeenimo, xilli ay labada wiil ay kasoo laabayeen dugsi Quraan. Dilkan ayuu boolisku sheegay in loo adeegsaday Toori oo uu ku dhuftay labada caruurta ah.

“Ciidamada Booliska Degamada Dhoobley ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysane Jeele Maxamed Cusmaan oo ku eedeysan in shalay galab uu gacantiisa ku dilay wiil yar oo 14 sano jir ah xili uu ka yimid Dugsiga qur’aanka, halka mid kalana uu dhaawac u geestay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta booliska gobolka Jubbada Hoose.

Wiilka dhaawacan ayaa haatan lagu daweynayaa mid ka mid ah isbitaalada ku yaal magaalada Dhoobley. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ninkani uu beegsaday labada wiil ee mid kamid ah uu dhintay.

Falkan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Danwadaag oo ay daganyihiin dadka barkacayaasha iyo dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Laamaha amniga degmada ayaa saacado ku raad joogay eedeysanaha, iyagoo ugu dambeyna ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan. Saraakiishu waxay sheegeen in baaritaanno dheeraad ah ay hadda socdaan si loo ogaado ujeeddada falka naxdinta leh.

“Ciidamada Booliska oo shalay ilaa xalay waday hawlgalo lagu baadi goobayo ninkan ayeey saaka ku guulesteen in ay gacanta ku dhigaan eedeysane Jeele Maxmed Cusmaan,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka booliska.

Taliska booliska Dhoobley ayaa bulshada ku nool deegaanadaas ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si looga hortago falalka noocan oo kale ah, loona horkeeno sharciga dadka dambiyada ka gala.

Waxaa sanadihii u dambeeyay kordhay dilalka aragagaxa ah ee ka dhex dhacaya deegaanada iyo degmooyinka dalka, waxaana ugu dambeeyay fal naxdin leh oo dhawaan lagu gubay oday 70 jir ahaa oo qabiil darteed loogu dilay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Read more

Local News