Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamada Darajada Koowaad ee degmada Dhoobley ayaa maata go’aan culus kasoo saartay kiiska ninkii dhowaan wiilkii 14-ka jirka ahaa ku gowacay gudaha degmadaasi, kaas oo sidoo kale dhaawacay wiil kale oo yar.
Maxkamadda ayaa ninkan oo lagu magacaabo Jeelle Maxamed Cismaan ku xukuntay dil toogasho ah oo qisaasta marxuumka uu gowracay, sida uu ku dhawaaqay garsooraha,
Sida ay sheegtay Maxkamaddu Jeelle ayaa lagu helay dambiga ah inuu toori ku dilay wiil 14 jir ah isla-markaana dhaawacay mid kale.
Ninkan ayaa waxaa horey gacanta ugu soo dhigay Booliska degmada Dhoobley, kuwaas oo baaritaanno dheer kadib kiiska u gudbiyay maxkamadda oo ugu dambeyn go’aan ka gaartay, waxaana xukunka ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda, Sheekh Maxamed Cumar Yuusuf (Siraaji).
Sidoo kale waxaa goobta xukunku ka dhacay joogay ehellada wiilka yar ee sida arxan darrada ah loo dilay iyo qaraabada eedeysanaha xukunka dilka lau riday.
Falkaasi naxdinta leh ee lagu gowracay wiilka 14 jirka ah ayaa dhacay habeenimo, xilli ay labada wiil ay kasoo laabayeen dugsi Quraan, sida uu horay u sheegay Boolisku.
Dadweynaha iyo ehellada ilmaha yar ayaa soo dhaweeyay xukunka Maxkamadda gaartay, maadaama dil lagu xukumay gacan ku dhiiglaha oo wajahaya wuxuu ka helo cadaaladda.
Si kastaba, ha’ahaatee, Waxaa sanadihii u dambeeyay kordhay dilalka aragagaxa ah ee ka dhex dhacaya deegaanada iyo degmooyinka dalka, waxaana ugu dambeeyay fal naxdin leh oo dhawaan lagu gubay oday 70 jir ahaa oo qabiil darteed loogu dilay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.


