Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa weli ku sugan magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta.
Hogaamiyaha ayaa halkaa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda DP World oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.
Hogaamiyaha ayaa madaxda shirkada ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan maalgashiga ku socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna usoo jeediyay inay qiimeyn ku sameeyan Dekadda Baraawe oo aan iminka shaqeyn.
Shariif Xasan ayaa Madaxda usoo bandhigay inay dhismo ku sameysan karaan Dekadda Baraawe oo la rumeysan yahay inay kasoo xaroon karto dhaqaale xoogan.
Shariif Xasan iyo Madaxda Shirkada ayaa ugu danbeyntii isku afgartay in la qiimeeyo Dekadda Baraawe, si loo soo arko meelaha maalgashiga u baahan.
Shirkadaani ayaa la filayaa in wafdi ay u dirto magaalada Baydhabo kuwaa oo qiimeyn doona qaab dhismeedka Dekadda Baraawe iyo dhaqaalaha ku bixi kara haddii ay dhacdo in lagu heshiiyo qorshaha ay Imaaraadka kula wareegeyso Dekadda.
Shirkaddan laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala Soomaaliya.
Shirkadda DP World ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala dalka, waxa ayna horay ula soo wareegtay dhowr Dekadda.
Dekadaha ay horay ula wareegtay shirkadaani ayaa waxaa kamid ah Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiisyo kala gaar gaar ah la gashay Maamulada Puntland iyo Somaliland.
Dowlada Imaaraadka ayaa ku taameysa inay xajisato dhammaan Dekadaha ku yaalla dalka, gaar ahaan kuwa ay maamulaan maamul Goboleedyada.
Dhinaca kale, waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Madaxda Shirkadda DP World ay isla gaaren heshiis ku aadan inay la wareegayaan Dekadda Baraawe.