Dagaal maalintii 2aad ka socda Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in dagaallo kale ay ka dhaceen duleedka degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka oo uu dhexeeyo beelo wada deggan halkaas ayaa la sheegayaa in uu goordhow dilaacay sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ma cadda khasaaraha uu geestay dagaalka oo mardhow uun billowday, balse waxaa la maqlayaa daryanka rasaas xooggan oo ay adeegsanayaan labada dhinac.

Magaalada waxaa ka socda dedaalo ku aadan siddii lagu damin lahaa dagaalka ka socda bariga waqooyi ee magaalada Jowhar, waxaana meelaha dagaalada ay ka socdaan la sheegayaa in magaalada ay u jirto lix km.

Dagaalkan ayaa shaley ka billowday deeganno ku yaalla duleedka magaalada Jowhar, waxaana ku dhintay in ka badan 14-qof tir intaas kabadana waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin ilaha caafimaadka.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Jowhar la gaarsiiyay gargaar ay dirtay dowladda, kuwaasoo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ka barakacay fatahaada wabiga Shabeelle.

Gargaarkan ayaa waxaa halkaas geesay AMSIOM sida uu noo sheegay wariye ku sugan magaalada Jowhar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com