Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya Raysal wasaarihii hore ee DKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in uu ka degay garoonka marxuum C/llaha Yuusuf ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.
Dadweyne fara badan ayaa ku soo dhaweeyay halkaas kuwaasoo sheegay in ay ku farraxsan yihiin imaashiyaha Gaas magaalada Gaalkacyo.
Wariye ku sugan Gaalkacyo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in Cabdiweli markii uu gaaray magaalada uu la hadlay saxaafadda, isagoona caddeeyay in uu yahay musharrax u taagan doorashadda maamulka Puntland oo dhaceysa horaanta bisha Janaayo ee sannadka dambe 2014-ka.
Musharrax Gaas ayaa baaq u diray ciidamada ammaanka Puntland wuxuuna u sheegay in aan loo isticmaalin dano gaar ah, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay ciidanka in ay dhexdhexaad ka noqdaan doorashadda oo aysan cidna la safan.
Ugu dambeen ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay haddii uu ku guuleesto doorashadda maamulka Puntland in wax badan ka qaban doono arrimaha Puntland sidoo kalena uu calaaqaad wanaagsan la yeelan doono dowladda dhexe iyo bulshadda caalamka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe