25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DEG DEG: Wiil Soomaaliyeed oo lagu dilay Columbus, Ohio (Faah-Faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Columbus (Caasimada Online) War hadda naga soo gaaray magaalada Columbus ee gobalka Ohio ayaa sheegay in wiilk Soomaaliyeed lagu dilay xaafadda Lantern Drive.

Wariye Deeqo Shirre oo ku sugan magaalada Columbus ayaa sheegtay  in wiilka ay dileen kooxo hubeysan oo aan la garaneynin heybtooda.

Waxa ay sheegtay in ay dileen seddax nin oo madow ah kuwasoo markii ay dileen wiilka Soomaaliga goobta ka baxsaday.

Waxaa goobta soo gaaray ciidamo kuwaasoo wada baaritaan, mana jirto cid ka hadashay dilka wiilka Soomaaliga.

Ma ahan dilkii ugu horeeyay oo Maraykanka loogu geesto qof Soomaali ah, bishii hore ayey ahayd markii wiil Soomaali ah lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News