War farxad u ah Soomaalida ku dhaqan gudaha dalka……….(Muxuu yahay?)

London (Caasimada Online) Bangiga Barclay’s ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay in uu muddo seddax toddobaad ah ay sii shaqeen karaan xawaaladaha Soomaalida ee la sheegay in uu xiraayo xiisaabaakooda.

Bankiga ayaa lagu waday in uu berri xiro xiisaabadka xawaaladaha Dahabshiil, Tawakal, Mustaqbal iyo Horiyaal kuwaasoo ahaa kuwa kaliye ee loo oggolaaday in ay sii shaqeeyaan 10-ka bishan September.

Cumar Cabdinuur Nabadoon oo ah afhayeenka xawaaladaha Soomaalida ee dalka UK oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Bankiga Barcalys uu muddo seddax toddobaad ah ugu daray xawaaladahaas.

Wuxuuna sheegay in la gaarsiiyay muddada la xiraayo 30-ka bisha September sannadkan 2013-ka.

Si kastaba, go’aankan wax badan ma soo kordhin doono maadama la joojinaayo xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida 30-ka bishan.

Waxaa hubaal ah in malaayin Soomaali ah oo ku nool dalkii hooyo inuu saameen xooggan ku yeelan doonto go’aanka bangigga Barclays.

Sida ay sheegayaan hey’addaha gargaarka, waxaa Sannad kasta Soomaalida UK ay qaraabadooda u soo diraan 100-milyan oo bond, waana lacag ka badan mida gargaar ahaan loo siiyo Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London